​“Toban Sano Kadib…” – Steven Gerrard Oo Saadaal Waalli Ah Ka Bixiyay Mustaqbalka Lamine Yamal

Halyeeyga reer England iyo kabtankii hore ee Liverpool, Steven Gerrard, ayaa saadaaliyay in xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, uu tobanka sano ee soo socda gaari karo heerkii ay gaareen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Gerrard ayaa ammaan weyn u jeediyay 19-jirkan reer Spain, isagoo la hadlayay TNT Sports ka hor kulankii uu Yamal goolka furitaanka ka dhaliyay guushii 3-0 ahayd ee Barcelona ay ka gaartay Aston Villa.

“Waxaan ka hadlaynaa xiddig heer caalami ah. Waa ciyaaryahan aan caadi ahayn. Tirada goolasha iyo caawinta uu haatan sameynayo waa wax aan la rumaysan karin, runtii waa arrin cabsi leh,” ayuu yiri Gerrard.

Isagoo is-barbar dhigaya horumarka Yamal iyo da’yarta hibada leh ee England, ayuu intaas ku daray: “Isaga iyo ciyaartoyda kale ee da’diisa ah waa isku fac, balse tirooyinkiisu waa kuwo cajiib ah. Durba wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda laga hadlo marka la joogo abaalmarinta Ballon d’Or.”

Yamal ayaa dhawaan kaalinta saddexaad ka galay Ballon d’Or 2026, isagoo ka dambeeyay Kylian Mbappé oo labaad galay iyo Harry Kane oo ku guuleystay.

“Ciyaartoyda noocan ah mararka qaar ayay soo baxaan, sida Messi iyo Ronaldo. Toban sano kadib, isaga sidoo kale waxaa lagala hadli doonaa heerkaas,” ayuu Gerrard ku soo gabagabeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular