Halyeeygii hore ee Arsenal, Thierry Henry, ayaa aaminsan in Arsenal ay haatan tahay kooxda ugu joogtaynta badan horyaalka Premier League, balse wuxuu sheegay in kooxaha kula tartamaya hanashada koobka ay isbeddeli karaan inta uu xilli-ciyaareedku socdo.
Liverpool ayaa xoojisay booskeeda tartanka horyaalka ka dib markii ay 4-0 kaga badisay Manchester United toddobaadkii hore, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay Arsenal kula tartami karto koobka.
Henry wuxuu sheegay in kooxda ugu weyn ee la tartamaysa Arsenal ay dhowr jeer isbeddeshay xilli-ciyaareedkan. Manchester City ayaa markii hore loo arkayay khatarta ugu weyn ka dib markii ay badisay toddoba kulan oo xiriir ah, balse afar kulan oo aysan guul gaarin ayaa albaabka u furtay Liverpool. Henry wuxuu sidoo kale xusay Brighton oo ah koox kale oo mudan in isha lagu hayo.
“Bil kasta waxaan ka hadalnaa koox cusub oo tartamaysa. Bilowgii xilli-ciyaareedka, qof walba wuxuu u malaynayay inaysan jirin cid la tartami karta Arsenal. Ka dib Man City ayaa badisay toddoba kulan oo xiriir ah, haddana afar kulan ma badin, Liverpool ayaana u muuqata tartamaha. Cidna kama hadasho Brighton, laakiin iyaguna way ku jiraan tartanka,” ayuu yiri Henry.
Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Iyadoo aan cidna la xaqirayn, kooxda keliya ee u muuqata inay maamusho ciyaaraha waa Arsenal. Waxay u muuqdaan kooxda ugu joogtaynta badan. Waxa kale way yimaadaan wayna tagaan, cidda horyaalka qaadaysana lama oga, laakiin Arsenal haatan way awood badan tahay.”