Thibaut Courtois Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Xulka England Koobkii Adduunka Ee 2026

Goolhayaha kooxda Real Madrid, Thibaut Courtois, ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibkiisa Jude Bellingham uu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa xulka qaranka England tartankii Koobka Adduunka ee 2026.

Courtois ayaa fikraddan la wadaagay shabakadda Sky Sports ka hor kulanka uu xulkiisa Belgium la ciyaarayo Turkiga tartanka Nations League maanta.

Goolhayahan reer Belgium ayaa xusay in Bellingham uu aad muhiim ugu yahay kooxda Real Madrid, isagoo ku tilmaamay qaab-ciyaareedkii uu ku muujiyay Koobka Adduunka mid cajiib ah.

Isagoo ka hadlayay xiddigan ayuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in Jude uu qaatay Koob Adduun oo cajiib ah. Kulamadii aan daawaday, malaha isaga ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa xulka England.”

Courtois oo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay: “Heerkaas ciyaareed ee sarreeya wuxuu la yimid Madrid, aad ayuuna muhiim noogu yahay annaga.”

Bellingham, oo ay Courtois ka wada tirsan yihiin kooxda Real Madrid, ayaa dhaliyay 7 gool, isagoo sidoo kale bixiyay hal caawin (assist) intii uu socday tartankii Koobka Adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular