Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa doonaya inuu dib ula midoobo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Frenkie de Jong marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda sanadka cusub.
Ten Hag ayaa go’aansaday inuu de Jong geeyo Old Trafford markii loo magacaabay tababaraha Man United 2022, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Premier League.
Wargayska Sport ayaa haatan sheegaya in tababaraha reer Holland uusan ka niyad jabin in uu dib ula midoobo xiddigiisii hore ee Ajax, waxaana uu doonayaa in ay Man United u dhaqaaqdo suuqa January hadii uu sii ahaado tababaraha kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkaan, oo dhawaan ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah, ayaa weli wuxuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Barcelona oo hogaamineysa horyaalka Laliga xili ciyaareedkaan.
Majalada Sports ayaa warisay in xiddiga heer caalami dalka Holland uusan ka fakireyn inuu dhageysto warbixinada la xiriira mustaqbalkiisa islamarkaana uu diirada saarayo wajibaadka kooxdiisa.
United oo fasaxday Scott McTominay iyo Sofyan Amrabat waxayqadatayadatay kaliya xiddiga Manuel Ugarte oo kaga soo biiray Paris Saint-Germain, balse tababaraha Red Devils ayaa wali doonaya inuu xoojiyo khadka dhaxe ee kooxdiisa.