Weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland, ayaa galay xilli ciyaareedka 2024/25 isagoo niyad adag u leh inuu mar kale noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Premier League.
Xiddiga reer Norway ayaa isha ku haya inuu ku guuleysto kabta dahabka ah ee Premier League markii saddexaad oo xiriir ah, taasoo ka dhigi doonta mid ka mid ah weeraryahanadii ugu caansanaa ee taariikhda horyaalka England, isagoo barbar-dhigi doona Alan Shearer iyo Thierry Henry oo horey ugu guuleystay saddex xilli ciyaareed oo isku xiga.
Xilli ciyaareedkii hore (2023/24), Haaland ayaa dhaliyay 27 gool balse waxa uu wajahay tartan adag oo kaga yimid Cole Palmer oo si lama filaan ah ugu soo baxay xiddigaha sida xoogan loola tartamayey.
Haatan, Mohamed Salah oo u ciyaara Liverpool ayaa hogaaminaya tartanka gooldhalinta Premier League, isagoo dhaliyay 27 gool. Waxa uu lix gool ka sareeyaa Haaland, kaas oo haatan haysta 21 gool.
Xiddiga Newcastle United Alexander Isak ayaa isna si dhow ugu jira tartanka isagoo leh 20 gool, halka Chris Wood oo u ciyaara Nottingham Forest uu leeyahay 18 gool. Labada xiddig ee Brentford, Bryan Mbeumo iyo Yoane Wissa, ayaa iyaguna kusoo xiga iyadoo Mbeumo uu dhaliyay 16 gool halka Wissa uu leeyahay 15 gool.
Premier League 2024/25 – Gooldhalinta Sare
Ciyaaryahan | Kooxda | Goolal
——————–|——————|——–
Mohamed Salah | Liverpool | 27
Erling Haaland | Man City | 21
Alexander Isak | Newcastle | 20
Chris Wood | Nott’m Forest | 18
Bryan Mbeumo | Brentford | 16
Yoane Wissa | Brentford | 15