Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa u muuqday mid si dadban ugu eedeeyay jamaahiirta kooxdiisa inay door ku lahaayeen goolkii labaad ee ay dhaliyeen Ipswich Town, kadib markii ay ciyaartii Premier League ku dhamaatay barbaro 2-2 ah oo ka dhacday Stamford Bridge.
Chelsea ayaa Axaddii marti gelisay kooxda Ipswich Town, iyadoo rajeynaysay inay helaan saddexda dhibcood si ay kor ugu sii qaadaan fursadohooda u soo bixista Champions League. Si kastaba, qolka labiska ayaa looga tegay iyagoo 2-0 looga hormaray qaybtii hore ee ciyaarta, taasoo muujisay in kooxda martida ahi ay si fiican ugu diyaar garoobeen kulanka.
Labadii gool ee hore ee Ipswich ayaa yimid waqti kooban gudihiis, iyadoo goolhaye Robert Sanchez uu doortay inuu kubadda si xoog ah u fogeeyo halkii uu si nabad ah baas uga bixi lahaa – arrin ka soo horjeeda falsafadda ciyaarta ee tababare Maresca.
Inkasta oo Blues ay ciyaarta ku soo laabteen qeybtii labaad, heleen-na laba gool oo ay ku barbareeyeen, natiijada ayaa ka dhigtay inay Chelsea ku sii negaato kaalinta 5-aad, iyadoo wali tartan adag ugu jirta booska u qalma Champions League.
Maresca ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ciyaarta kadib wuxuu ku sheegay in dareenka iyo qaylada taageerayaashu ay saameyn ku yeesheen goolhayaha, taasoo keentay qaladkii horseeday goolka labaad ee Ipswich.
“Waxaan ciyaarta ku bilownay si fiican, fursado ayaanu abuurnay,” ayuu yiri Maresca. “Laakiin kadib goolkii koowaad, ciyaartu gabi ahaanba way isbedeshay.”
“Marka uu goolhayuhu kubadda gacanta ku dhigo, waxaan doorbideynaa inaan si deggan u billaabanno kubadda, balse goolkii labaad wuxuu doortay inuu kubadda fogeeyo, sababtuna waxay ahayd cadaadiska ka yimid jawiga garoonka. Nasiib darro gool ayaa naga dhashay.”
Chelsea ayaa hadda la wadaagta dhibcaha kooxaha la tartamaya, iyadoo rajaynaysa inay helaan natiijooyin wanaagsan kulamada soo socda si ay ugu soo baxaan tartanka ugu weyn Yurub ee xilli ciyaareedka dambe.