Taageerayaasha Liverpool Oo War Farxad Leh Ka Helay Mustaqbalka Alexis Mac Allister

Kooxda Liverpool ayaa wadahadallo la furtay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister si ay uga xaajoodaan suurtagalnimada kordhinta qandaraaskiisa, sida ay ku warrantay shabakadda The Guardian.

Heshiiska uu haatan xiddigan reer Argentina kula jiro naadiga reer England ayaa soconaya ilaa bisha Juun 2028, balse maamulka Liverpool ayaa doonaya inay mustaqbalkiisa ku xasiliyaan qandaraas cusub.

Mac Allister ayaa horay u muujiyay sida uu ula yaabay in Liverpool aysan kala soo xiriirin arrinta ku saabsan kordhinta heshiiskiisa, taas oo dhalisay su’aalo ku aaddan qorshaha ay kooxdu ka leedahay mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Reds ayaa haatan qaadday tallaabadii ugu horreysay iyagoo wadahadallo rasmi ah la furay wakiillada ciyaaryahanka.

Toddobaadyada soo socda ayaa la filayaa inay bixiyaan sawir cad oo ku saabsan sida ay u socdaan wada-xaajoodyadu iyo haddii labada dhinac ay isku soo dhowaan karaan.

Liverpool ayaa rajeynaysa inay horumar wanaagsan ka samayso sidii heshiis loo gaari lahaa, si meesha looga saaro hubanti la’aanta ku xeeran mustaqbalka xiddigan ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 2022.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular