Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa isku raacay in khadka dhexe ee Moises Caicedo uu ka fiican yahay daafacyada dhexe ee kooxda ka dib markii si lama filaan ah boos cusub looga ciyaarsiiyay kulankii ay Sunderland 1-0 kaga badisay, halka ay dhaliil kulul dusha ka saareen Levi Colwill iyo Wesley Fofana.
Blues ayaa la kulantay guul-darradii saddexaad afar kulan gudahood tartamada oo dhan ka dib markii uu Enzo Le Fée qaybtii hore dhaliyay rigoore uu sababay Colwill, kaas oo xakameyn waayay awoodda iyo xawaaraha weeraryahanka reer Netherlands ee Brian Brobbey. Colwill iyo lamaanihiisa daafaca ee Fofana ayaa aad ugu dhibtooday inay joojiyaan Brobbey intii ay garoonka ku wada jireen.
Waqtigii nasashada, tababare Xabi Alonso ayaa saaray Colwill isagoo soo geliyay garabka weerarka ee Estevao, taas oo keentay in Caicedo dib loogu celiyo booska daafaca dhexe. Inkastoo taageerayaashu ay bilowgii la yaabeen go’aanka Alonso oo sidoo kale ciyaarta ku soo galay weeraryahan la’aan, haddana xiddiga reer Ecuador ayaa soo bandhigay ciyaar cajiib ah.
Taageerayaasha oo fikirkooda ku dhiibanayay baraha bulshada ayaa ku tilmaamay Caicedo inuu yahay daafaca dhexe ee ugu fiican kooxda haatan, iyagoo mid ka mid ah uu yiri: “Caicedo toban jeer ayuu kaga fiican yahay booska Colwill, haddana Colwill wuxuu isku qaabeeyaa sidii inuu yahay Maldini.”
Bandhigga Caicedo ayaa ahaa qodobka keliya ee lagu farxo ciyaartii ka dhacday Stadium of Light; 25 jirkan ayaa dhammaystiray 91% baasaskiisa (80 ka mid ah 88 baas), wuxuu ku guuleystay toddobo loollan oo kubadda ah, isagoo sameeyay lix difaacasho oo muhiim ah 90-kii daqiiqo ee ciyaarta.
Ma aha markii ugu horreysay ee Caicedo laga beddelo booskiisa dabiiciga ah ee lambarka lixaad, maadaama tababarihii hore ee Chelsea, Enzo Maresca, uu dhowr jeer u adeegsaday daafaca midig dhammaadkii xilli-ciyaareedkii 2024/25 markii uu maqnaa Reece James. Inkastoo awoodda Caicedo ee boosaska kala duwan ay qiimo weyn u leedahay Alonso, haddana xaqiiqada ah inuu ka fiicnaaday Colwill iyo Fofana ayaa walaac weyn ku ah kooxda.