Mauricio Pochettino ayaa qirtay in aanu dareemayn in ay jecel yihiin taageerayaasha Chelsea laakiin aanu ka walwalsanayn kadib markii ay taageerayaashu ugu baaqeen inuu baxo kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Brentford.
Axel Disasi ayaa dhibic u badbaadiyay Chelsea ka dib kubada uu madax ku dhaliyay, laakiin taasi kama aysan celinin taageerayaasha Chelsea inay ku baaqaan in Pochettino la ceyriyo.
Jamaahiirta Chelsea ayaa qaadayay heeso ka dhan milkiile Todd Boehly halka ay sidoo kale ku heeseen magaca Jose Mourinho iyagoo ku baaqay in Pochettino uu baxo.
Markii la weydiiyay haddii uu ka walwalsan yahay xiriirka xun ee kala dhaxeeya taageerayaasha Chelsea, Pochettino ayaa yiri: “Kama walwalsani. Waxaan u baahanahay inaan aqbalo xiriirkaan inaga dhaxeeya.
“Taageerayaasha miyay i jecel yihiin? Maya. Waa inaan dhisno xiriirkeena. Waxaan xiriirkeena ku dhisi karnaa inaan guuleysano kulamada laakiin waqtigaan waan ka gaabinay inaan ka soo baxno filashadooda. Caadiyan kubada cagta waxaa eeda leh tababaraha ama dadka ka sii sareeya.”
Pochettino ayaa sheegay inuusan maqlin baaqii taageerayaasha ee ahaa inuu kooxda ka tago, isagoo hadalkiisa raaciyay: “Waa wax iska caadi ah, markii ay heesayeen waxay aheyd xilli 2-1 nagula hogaaminayay, waxay soo bandhigeen jahwareerkooda. Dabcan anigaa ka mas’uul ah, waxaan ahay tababaraha kooxda.”
Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta 11aad ee Premier League iyagoo bartamihii isbuuca u gudbay wareega sideed dhamaadka FA Cup oo ah koobka kaliya ee ay rajada ka leeyihiin xilli ciyaareedkan.