Steven Gerrard Oo Shaaciyay Sababta Liverpool Ay Ugu Qasban Tahay Inay Mac Allister Heshiis Cusub Ka Saxiixato

Halyeeygii hore ee kooxda Liverpool, Steven Gerrard, ayaa ugu baaqay maamulka kooxdiisii hore inay ka laabtaan go’aankoodii ahaa inaysan heshiis cusub u soo bandhigin Xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina, Alexis Mac Allister.

Qandaraaska Mac Allister ee garoonka Anfield ayaa ku eg dhammaadka xilli-ciyaareedka 2027/28. Bishii Sebteembar ee la soo dhaafay, ciyaaryahanka ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Liverpool ay ku wargeliyeen inaysan u haynin wax heshiis kordhin ah, taas oo uu ku tilmaamay mid uu aad uga murugooday. Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa bilowgii bishan Nofeembar xusay in imaatinka agaasime ciyaareed oo cusub iyo milkiilayaal cusub ay wax ka beddeli karaan mustaqbalkiisa.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Overlap Daily, Gerrard ayaa sheegay in inkastoo xiddigaha reer Argentina ay xilli-ciyaareedkii hore mashquul ku ahaayeen u diyaar-garowga Koobka Adduunka, haddana Mac Allister uu xilli-ciyaareedkan soo bandhigay qaab-ciyaareed cajiib ah oo uu ku muteysan karo qandaraas cusub.

“Aad ayaan ula dhacay qaab-ciyaareedkiisa xilli-ciyaareedkan. Marka aan eego waxa aan arkay, waxaan qabaa in Alexis Mac Allister uu u qalmo heshiis cusub, waxaana rabaa in Liverpool ay sii haysato sababtoo ah waa ciyaaryahan caqli badan,” ayuu yiri Gerrard.

Kabtankii hore ee Reds ayaa sidoo kale ammaanay dagaalyahannimada Mac Allister, fahamkiisa ciyaarta iyo sida cajiibka ah ee uu ugu fiican yahay kubbadaha sare inkastoo uu yahay ciyaaryahan gaaban, isagoo ku tilmaamay mid halis ku ah koornooyinka iyo laadadka xorta ah.

Ugu dambeyn, Gerrard ayaa xusay in Liverpool ay u muuqatay koox jilicsan kulamadii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedka markaas oo uusan Mac Allister joogto ugu soo bilaaban jirin, balse haatan uu kooxda ku soo kordhiyay ruux dagaal iyo adkaysi weyn oo dhanka khadka dhexe ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular