Farriimo WhatsApp ah oo la helay xilligii Bruno Fernandes uu joogay Sporting CP ayaa muujinaya sida uu khadka dhexe ee Manchester United uga gaabsan la’ yahay inuu dhaleeceeyo saaxiibadiis kooxda.
Roy Keane, oo caan ku ah dhaliilihiisa tooska ah, ayaa si adag u weeraray Bruno Fernandes asagoo ka hadlaya barnaamijka The Overlap, isagoo yiri: “Waxay barbar-dhac la galeen Everton, waxayna u dabaal-degayaan sidii iyagoo koob hantay. Waa wax lala yaabo. Waxaan arkaa taageerayaal ciyaaraha jooga oo u heesaya Bruno – waxaan is leeyahay, yuu wax iskaga dhigaya?”
Ian Wright ayaa isku dayay inuu difaaco Fernandes, balse Keane wuxuu sii waday dhaliishiisa: “Waan daawanay isaga – fadhiiso oo daawo ciyaar uu ku jiro. Waan daawanay FA Cup-ka, waan daawanay kulankii Everton. Dadku waxay iska dhigayaan inay dad xirxiran yihiin oo aan waxba ogeyn.”
Markii Wright uu soo jeediyey in Fernandes uu yahay ciyaaryahan go’aamin kara ciyaaraha, Keane ayaa si caro leh uga jawaabay: “Kooxda waxey ku jirtaa kaalinta 15-aad horyaalka, oo ma isagaa badbaadinaya? (Kahor guushii United ee 3-2 ahayd ee ay ka gaareen Ipswich, taasoo keentay inay kor ugu kacaan kaalinta 14-aad)”
Keane wuxuu sii waday eedeyntiisa, isagoo yiri: “Aqoon keliya kuma filna. Bruno waa ciyaaryahan karti leh, laakiin aqoon keligeed kuma filna, Wrighty. Bruno ma aha dagaalyahan”
Markii la gaaray su’aasha ah haddii Fernandes uu yahay kabtan sax ah, Keane wuxuu si toos ah u weydiiyay: “Muxuu badbaadinayaa? Maxaa uu badbaadinayaa, ma 2-2 Everton?”
Si kastaba ha ahaatee, farriimo dhawaan lasoo dusiyey oo laga helay WhatsApp-kii Fernandes intii uu joogay Sporting CP ayaa muujinaya inuu yahay qof si adag ula xisaabtama saaxiibadiis. Wargeyska Record ee Portugal ayaa xiganaya Fernandes oo ku qeylinaya:
“Walaal, waxba ma dhihi doono! Haddii aad dooneyso inaan kuu sheego, waxaan doorbidayaa inaanan waxba ka dhihin. Waxaa jira ciyaartoy aan lahayn wax dabeecad ah, walaal.
“Ma doonayaan inay halkaan joogaan, ma doonayaan inay ciyaaraan. Haddii aysan rabin inay halkaan joogaan, ha iska tagaan, ha yiraahdaan ma rabno inaan ciyaarno. Waxay sannad dhan qaadanayaan mushaar, kadibna wey iska dhaqaaqayaan. Dabeecad xumo”
Farriimahan la helay waxay muujinayaan sida Fernandes uu u daneynayo kooxaha uu u ciyaaro, ayna ka go’an tahay inuu wax kasta siiyo. Waxay bixinayaan faham qoto dheer oo ku saabsan maskaxdiisa, xilli Keane – oo aan ahayn halyeyga kaliya ee United ee dhaliilay Fernandes xilli ciyaareedkan – uu shaki gelinayo dadaalkiisa iyo kartidiisa hoggaanimo.