Jadon Sancho: “Lixda kulan ee soo socda, waxay noqon doonaan dagaal. Waxaan u dagaallameynaa booska Champions League-ka, waana mid muhiim noo ah. Kulan kasta waa final laga bilaabo hadda.”
Jadon Sancho ayaa ku booriyay saaxiibadiisa Chelsea inay u wajahaan lixda kulan ee u haray horyaalka Premier League-ka sidii finalo dhab ah, iyagoo dagaal ugu jira sidii ay u xaqiijin lahaayeen ka qaybgalka tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.
Chelsea ayaa barbaro 2-2 ah la gashay kooxda halista u ah degitaanka ee Ipswich Town. Kulankaas, Chelsea ayaa qeybtii hore laga dhaliyay laba gool, balse waxay si adag uga soo laabteen qeybtii labaad, waxaana goolka barbaraha u dhaliyay Sancho daqiiqaddii 79aad — isagoo goolkiisii ugu horreeyay tan iyo December dhaliyay.
Inkasta oo ay kasoo kabsadeen, barbarahaas wuxuu kooxdii Blues geliyay xaalad adag oo ku saabsan rajohooda Champions League, iyagoo kaliya hal dhibic ka sareeya kooxda Newcastle United oo weli kulan gacanta ku haysa.
Kulamada u haray Chelsea waxaa ka mid ah kuwa u adag sida Fulham, Newcastle iyo Nottingham Forest. Iyadoo tartanka uu marayo meel xasaasi ah, Sancho ayaa si cad u muujiyay sida ay kooxda ugu heelan tahay inay dhammaan kulamada u dagaalamaan si ay u gaaraan afarta sare ee horyaalka una xaqiijiyaan boos Champions League ah.