Halyeyga Manchester United ee Roy Keane ayaa beddelay saadaashiisii hore ee horyaalka Premier League, waxaana uu koobka u hibeeyey koox uu neceb yahay oo xafiiltan badan uu ka dhexeeyo naadigiisii hore ee Manchester United.
Roy Keane oo kabtan usoo noqday Manchester United waqtigii ay guulaha waaweyn gaadhaysay ayaa waxa sheegay in horyaalka Premier League ay hadda ugu cadcaddahay Liverpool oo hoggaanka la wareegtay toddobaadkan markii ay barbarraha goolal la’aanta ah galeen Manchester City iyo Arsenal.
Axaddii ayay Liverpool 2-1 kaga adkaatay Brighton oo gool kala hormartay, waxaana fursad siiyey labadii kooxood ee ku dheggenaa ee Arsenal oo hadda laba dhibcood ka dambaysa iyo Manchester City oo ay saddex dhibcood dhaafeen.
Keane oo ogsoon in haddii Liverpool ay ku guuleysato horyaalka Premier League ay noqon doonto markii 20aad ee ay ku guuleysato oo ay barbarrayn doonto rikoodhka Manchester United oo ah kooxda ugu guulaha badan ayaa yidhi: “Waxay ila tahay in Liverpool ay ku guuleysan doonto, iyaga ayaana ugu cadcad.
“Arsenal waa kooxda labaad ee ugu cadcad inkasta oo ay farqi goolal ah haysato. City waxa hoos u dhigay dhaawacyo, waxa sugaya Champions League iyaga iyo Arsenal, waana kooxda saddexaad ee ugu cadcad.
“Mar kasta oo aan daawado Liverpool, waxa aynu arkaynaa hal ama laba qalad oo laga yaabo inay sameeyaan, laakiin fursado badan ayay abuuraan ciyaar walba, waxaanay doonayaan inay dhaliyaan goolal badan.
“Waxa aan arkay Manchester City, balse waxa aan arkay dhowaanahan, waxa aan la jiraa oo aan u malaynayaa in ay Liverpool ku guuleysan doonto horyaalka.”