Rio Ngumoha Oo Shaaciyay Riyadiisa Ugu Weyn Ee Mustaqbalka

Garabka da’da yar ee kooxda Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu raaco wadada saaxiibkiisa xulka qaranka England ee Harry Kane, isla markaana uu mustaqbalka ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Laacibkan 18 jirka ah oo waraysi siiyay wargeyska The Telegraph ayaa mar wax laga weydiiyay hammigiisa ku aaddan hanashada biladdan ku jawaabay: “Haa, boqolkiiba boqol.”

Isagoo ka hadlayay saamaynta guushii Kane ayuu yiri: “In Harry Kane uu ku guuleysto Ballon d’Or xaqiiqdii waa arrin aad iyo aad u weyn, in loo aqoonsado ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Waxay sidoo kale caawisay kubadda cagta ee England sababtoo ah qof walba wuxuu arkay mid naga mid ah oo ku guuleystay Ballon d’Or.”

Ngumoha oo kalsooni weyn muujinaya ayaa raaciyay: “Aniga ahaan, waxaan jeclaan lahaa inaan gaaro heerkaas, waxaana filayaa inaan samayn karo.”

Inkastoo uu haatan uun boos ka samaystay kooxda koowaad ee garoonka Anfield, haddana da’yarkan waxaa weli u dhiman waddo dheer ka hor inta uusan u tartamin abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular