Weeraryahanka kooxda Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaaray mustaqbalkiisa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Bayern Munich ay wadahadallo kula jirto wakiilladiisa.
Kooxda ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ayaa inta badan sanadkan 2026 isha ku haysay xiddigan, iyagoo xagaagii hore isku dayday inay la wareegaan ka hor inta aysan u leexan Ismael Saibari. Wariyaha reer Jarmal ee Christian Falk ayaa dhowaan sheegay in Bayern ay weli xiiseynayso Ngumoha isla markaana ay la xiriirtay wakiilladiisa.
Si kastaba, khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa cadeeyay in Liverpool aysan marnaba qorsheynayn inay iibiso da’yarkan, isla markaana ay xagaagii hore diiday inay xitaa qiimo dul dhigto ama ka wadahadasho bixitaankiisa.
Romano ayaa xaqiijiyay in Ngumoha uu haatan diiradda saarayo oo keliya sidii uu heshiis cusub oo mushahar fiican leh ugu saxiixi lahaa Liverpool, maadaama uu helayo waqti ciyaareed oo muhiim u ah horumarkiisa. Wadahadallada qandaraas kordhinta ee labada dhinac ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la filayaa in heshiis buuxa la gaaro inta lagu jiro fasaxa xulalka qaranka ee soo socda.