Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay ka fiirsanayso u dhaqaaqista saxiixa Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Bayern Munich, Michael Olise, iyadoo kooxda reer Jarmal ay duldhigtay xiddigan qiime lacageed oo gaaraya 300 oo milyan oo Yuuro.
Sida uu ku warramay wargeyska Diario AS ee ka soo baxa dalka Spain, laacibkan u dhashay dalka France ayaa mar kale ka soo muuqday liiska bartilmaameedyada Los Blancos ka hor xilli-ciyaareedka soo socda. Inkastoo Real Madrid ay xagaagan 140 milyan oo Yuuro kula soo wareegtay Yan Diomande oo ka tirsanaa RB Leipzig, haddana maamulka kooxda ayaa weli doonaya inay tayo dheeraad ah ku soo kordhiyaan garabyada weerarka.
Warbixinta ayaa xustay in Real Madrid ay si dhow ula socoto xaaladda Olise, gaar ahaan maadaama uusan weli saxiixin heshiis cusub oo uu ku sii joogayo kooxda horyaalka difaacanaysa.
Xiddigan ayaa si weyn loola xiriirinayay garoonka Santiago Bernabeu suuqii xagaagii hore, balse Real Madrid ayaa xilligaas soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku beeninayso inay wax xiriir ah oo toos ah ama mid dadban la samaysay ciyaaryahanka iyo wakiilladiisa. Kooxda reer Spain ayaa bayaankaas ku adkeysatay xiriirka qotada dheer iyo xushmadda ka dhexeysa iyaga iyo maamulka Bayern Munich, iyagoo xusay in haddii ay jirto xiiso loo qabo ciyaaryahan, ay marka hore si toos ah uga wada hadli lahaayeen labada naadi.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay horay u beeniyeen wararkaas, madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez, ayaa la sheegayaa inuu weli ku adkeysanayo inuu keeno saxiix kale oo weyn, isagoo u arka Olise xiddig ku habboon mashruuciisa Galacticos, inkastoo qiimaha 300-ka milyan ee Yuuro uu aad u adkeyn karo dhammaystirka heshiiskan.