Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay dejinta istaraatiijiyadda mustaqbalka ee ay kula soo wareegayaan xiddiga reer Norway ee Erling Haaland ee afka hore uga ciyaara Manchester City, kaas oo ay doonayaan in uu Santiago Bernabeu ka ciyaaro sannadka dabe.
Real Madrid oo waqtigan si weyn loola xidhiidhinayo xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo xor ka noqonaya PSG xagaaga, ayaa waxa si weyn ugu dedaalaysa inay sii xajisato PSG oo u bandhigtay mushahar saddex jibbaar ka badan inta uu Real Madrid ka helayo.
Los Blancos ayaa dhinaceeda isku diyaarinaysa xaalad kasta, waxaana ay sii bilaabeen qorshaha ay kula soo wareegayaan Erling Haaland haddii ay waayaan Kylian Mbappe.
Florentino Perez oo ah Madaxweynaha Real Madrid ayaa waxa uu jeexay dariiqa ay kooxdiisu u marayso Erling Haaland oo ah isla qaabkii ay kula soo wareegeen xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo ay hore Borussia Dortmund ugu wada ciyaari jireen Haaland.
Sida ay ku warramayaan warbaahinta waddanka Spain, Real Madrid ayaa waxa ay waqti horeba xidhiidh la samaysay wakiilka Haaland oo ay si joogto ah iskula soo qaadaan sidii uu laacibkani u tegi lahaa Santiago Beranbeu, waxaanay dhinacyada oo dhan ka sheekaysanayaan lacagta Los Blancos kaga bixi karta gool-dhaliyahn.
Erling Haaland ayaa qandaraaskiisa Manchester City lagu burburin karayaa €200 milyan oo Euro xagaaga sannadkan 2024, halka sannadka dambe ee 2025 qandaraaskiisa lagu burburin karayo €175 milyan oo Euro.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo lacagta ku xidhan qandaraaska Haaland ee Man City oo ah €200 milyan oo Euro xagaagan, balse waa haddii ay waayaan Kylian Mbappe oo isagana ay siinayaan €200 milyan oo Euro oo xaqal-qalin ah haddii uu u saxeexo heshiiska bilaashka ah.