Thibaut Courtois: Real Madrid waxay ka welwelsan tahay qatarta Arsenal ee kubbadaha dhiman kahor kulanka Champions League
Goolhayaha Real Madrid, Thibaut Courtois, ayaa qirtay in kooxdiisa ay si gaar ah uga welwelsan tahay qatarta ay Arsenal ku leedahay kubbadaha geesaha (set-pieces) kahor kulanka wareegga siddeed dhammaadka Champions League ee Talaadada.
Real Madrid waxay kulankan soo galeysaa iyagoo guuldarro 2-1 kala kulmay kooxda Valencia, taasoo ahayd markii 10-aad xilli ciyaareedkan ay gool kubbad gees ah cuneen (corner).
Inkasta oo kooxda reer Spain ay muujisay nuglaansho marka ay difaaceyso kubbadaha geesaha laga keeno, hadana waxay wajahaysaa koox Arsenal ah oo si weyn ugu khatarsan goolasha noocaas ah. Si kastaba, Courtois ayaa rumeysan in kooxdiisu ay diyaar u tahay inay la tacaasho qatartaas.
Wuxuu saxaafadda u sheegay:
“Waxaan ka shaqeynay arrintan. Waan ognahay sida aan isku difaaci karno marka aan la ciyaareyno Arsenal. Waxa ugu horreeya waa inaysan naga helin fursado badan oo kubadaha geesaha ah. Waa arrin ku saabsan feejignaan iyo firfircooni – mararka qaar tayada kooxda kaa soo horjeedda ayaa door weyn ka ciyaarta. Haddii kubbadu si fiican loo keeno, way adkaanaysaa in la difaaco. Laakiin diyaar ayaan u nahay, waxaana rumeysanahay in waxa aan diyaarinay ay si fiican noogu shaqeyn doonaan.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxaan ixtiraam weyn u hayaa Arsenal. Saaxiibo badan oo aan leeyahay waa taageerayaal Arsenal ah. Waan ogahay inay si fiican uga ciyaarayaan Premier League. Waa koox dhalinyaro ah, leh difaac adag, khatar ah marka ay weerar degdeg ah sameynayaan iyo marka ay helaan kubbadaha geesaha”
Inkasta oo Real Madrid ay afar dhibcood ka dambeyso Barcelona horyaalka La Liga, haddana kooxda uu hogaamiyo Carlo Ancelotti ayaa weli u tartamaysa iney ku guuleysato saddex koob xilli ciyaareedkan, iyagoo wajahaya Arsenal kulanka lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League oo ka dhacaya London.