Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Luciano Spalletti ayaa shaaciyey xiddigaha waddankiisa uga qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee markii ugu dambeeyey ay ku guuleysteen, kuwaas oo waddanka Germany ka bilaabi doona inay ku difaacdaan Koobka ay sannadkii 2021 ku guuleysteen.
Xulka qaranka Azzuri oo rikoodheyaal kaga badiyey Ingiriiska sannadkii 2021 iyaga oo ku ciyaarayey garoonka Wembley, ayaa waxa uu tababare Luciano Spalletti shaaciyey 30 ciyaartoy oo hordhac ah, waxaana uu toddobaadyo kaddib tirada kusoo koobi doonaa 26 oo ay tirada ciyaartoyda ay UEFA u ogoshahay in ay qaramadu usoo xushaan tartankan.
Luciano Spalletti oo tababaraha xulka Talyaaniga loo magacaabay bishii September, ayaa waxa xulkiisu uu isku sii tijaabin doonaa laba ciyaarood oo saaxiibtinimo ka hor inta aan la gaadhin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 oo badhtamaha bisha June ka furmi doona waddanka Germany.
Talyaaniga ayaa waxa ay June 4 la ciyaari doonaan Turkey, shan maalmood kaddib oo ku beegan June 9 ayaa sidoo kale ay waajihi doonaan Bosnia.
Xulka Qaranka Talyaaniga oo dhamaystiran
Goalkeepers: Donnarumma (PSG), Vicario (Tottenham), Meret (Napoli), Provedel (Lazio);
Difaacyahanno: Acerbi (Inter), Bastoni (Inter), Darmian (Inter), Scalvini (Atalanta), Buongiorno (Torino), Mancini (Roma), Calafiori (Bologna), Di Lorenzo (Napoli), Bellanova (Torino), Dimarco (Inter), Cambiaso (Juventus);
Khadka Dhexe: Barella (Inter), Frattesi (Inter), Cristante (Roma), Pellegrini (Roma), Fagioli (Juventus), Jorginho (Arsenal), Ricci (Torino), Folorunsho (Hellas Verona);
Weeraryahanno: Chiesa (Juventus), Raspadori (Napoli), Retegui (Genoa), Scamacca (Atalanta), Orsolini (Bologna), Zaccagni (Lazio), El Shaarawy (Roma).