Roy Keane ayaa si adag u weeraray Bruno Fernandes ka dib markii kabtanka Manchester United uu raalli-gelin siiyay Erik ten Hag oo la ceyriyay Isniintii hore.
Roy Keane, oo ah kabtankii hore ee Manchester United, ayaa sheegay in raalli-gelinta Fernandes ee loo diray tababaraha shaqada laga ceyriyay, Erik ten Hag, ay tahay “mid aan waxtar lahayn oo soo daahday” ka dib markii tababaraha reer Holland shaqadiisa waayay.
Ten Hag ayaa shaqada laga eryay Isniintii hore intii lagu jiray xilli-ciyaareedkiisii saddexaad ee Old Trafford, inkastoo uu ku guuleystay FA Cup iyo Carabao Cup intii uu xilka hayay, hadana United kuma soo dhowaan inay dib ugu biirto kooxaha ugu sareeya ee kubadda cagta.
Ka dib ciyaarta, Fernandes, oo goolka United ku dhaliyay rigoore, ayaa lagu wareystay Sky Sports, isaga oo ka faa’iideystay fursadda si uu raalli-gelin ugu diro Ten Hag. “Markaad aragto tababare la ceyriyay waa inaad marka hore isku eegtaa muraayadda,” ayuu yiri. “Waxaan la hadlay Erik ten Hag waxaanan u sheegay inaan raalli-gelinayo, waxaan dareemayaa niyad-jab inaanan wax badan u qaban karin isaga. Waxey ahayd inaan si wanaagsan u shaqeyno.”
Laakiin Keane, oo ah kabtankii hore ee United, ma uusan aqbalin raalli-gelintaas. “Wareysiyada ceynkan ah ee ciyaartoydu hadlaan mar walba waa kuwo dhib badan, laakiin ma haysan doono waqti badan iyo dulqaad inaan maqlo ciyaaryahan oranaya, ‘eeg, raalli ahow, waan ku niyad-jabinnay’. Waa wax soo daahay, oo aan waxba tari doonin,” ayuu yiri Keane.
Hadalka Keane ayaa imanaya kadib markii shaqada si bahdilaad ah looga ceyriyay Ten hag oo kari waayay inuu kasbado ciyaartooyda kooxda.