Tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Premier League ayaa qiimayn lagu sameeyey bandhiggooda garoomada iyadoo hal-beeg looga dhigayo goolasha, kubbad-samaynta, difaaca iyo saamaynta ay ku leeyihiin kooxahooda oo la barbar-dhigayo in ay u qalmaan mushaharka ay qaataan.
Horyaalka Premier League oo ah midka ugu mushaharka badan kubadda cagta dunida isla markaana kaalinta koowaad kaga jira dhaqaalaha ayaa waxa warbixin ay soo saartay Capology ay kusoo bandhigtay mushaharka ciyaartoyda ee tobanka kaalmaha ugu sarreeya ku jira iyo qiimaynta xiddigahaas ee gudaha garoomada.
Manchester City iyo Manchester United ayaa ciyaartoyda ugu badan ku leh tobankan ciyaartoy, waxaase badhxaya Liverpool, Chelsea iyo Arsenal.
Kai Havertz oo kaalinta ugu hoosaysa ee tobnaad ku jira ayaa dhaliyey toban gool xilli-cyaareedkan isaga oo kooxdiisa Arsenal ka qaata £280,000 Gini usbuucii, halka Kevin de Bruyne uu yahay ciyaartoyga ugu mushaharka badan oo £400,000 Gini toddobaadkii.
Qiimaynta iyo mushaharka tobankan ciyaartoy
10. Kai Havertz – £280,000-toddobaadkii
9. Bernardo Silva – £300,000-toddobaadkii
=Jack Grealish – £300,000-toddobaadkii
=Marcus Rashford – £300,000-toddobaadkii
6. Raheem Sterling – £300,000-toddobaadkii
5. Raphael Varane – £340,000-toddobaadkii
4. Mo Salah – £350,000-toddobaadkii
=Casemiro – £350,000 -toddobaadkii
2. Erling Haaland – £375,000 -toddobaadkii
1. Kevin De Bruyne – £400,000-toddobaadkii