Jurgen Klopp waxa uu Liverpool soo hoggaamiyey waqti qurux badan oo ay deris la noqdeen guulo waaweyn oo gacantooda soo galay, waxaanu ka saaray waqti dheer oo ay dhibaataysnaayeen oo koobab la’aan ku sugnaayeen.
Reds oo aan horyaalka muddo 30 sannadood ah ku guuleysanin ayuu u qaaday Premier League, sidoo kale waxa uu kula guuleystay Champions League oo aanay 15 sannadood ku guuleysanin, halka koobab kale oo badan oo maxalli ahna uu la qaaday.
Muddado sagaal sannadood ah oo uu joogay Anfield ayaa soo gabogaboobi doonta bisha June oo uu ka tegi doono Liverpool sida uu shaaciyey Jimcihii, waxaanay hadda Liverpool bilowday inay raadsato tababarihii u beddeli lahaa.
Ciyaartoyda Liverpool ayaa wacad ku maray inay si adag u dagaallami doonaan inta ka hadhay xilli-ciyaareedkan si ay koobab ugu sii sagootiyaan macallinkooda baxaya ee ay ixtiraamka badan u hayaan.
Qormadeennan waxaynu ku dul istaagaynaa xiddigihii uu Jurgen Klopp keenay kooxda iyo sidii ay u kala fiicnaayeen iyo lacagihii uu kasoo bixiyey.
45 ciyaartoy ayay Liverpool la saxeexatay intii uu joogay Jurgen Klopp, waxaana saxeexiisii koowaad uu ahaa Marco Grujic oo sannadkii 2016 ay Liverpool lacag dhan £5.1 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda Red Star Belgrade, waxaana muddo shan sannadood ah oo uu ka tirsanaa Liverpool uu kaliya u saftay 16 kulan, iyadoo amaaho lagu bixiyey waqtiyo kala duwan.
Saxeexii ugu dambeeyey ee uu Jurgen Klopp sameeyeyna waxa uu noqday khadka dhexe ee reer Japan ee Wataru Endo oo ay £16.2 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen kooxda reer Germany ee Stuttgart.
Qiimayn lagu sameeyey saxeexyadii ugu fiicnaa ee uu Jurgen Klopp sameeyey intii uu joogay Liverpool waxa kaalinta 1aad ku jira Mohamed Salah oo ay kusii xigaan Virgil van Dijk, Alisson iyo Sadio Mane, halka Andy Robertson uu kasoo hormaray Fabinho iyo Diogo Jota oo iyaguna safka hore ku jira.
Halkan kaga bogo qiimaynta iyo qiimaha ciyaartoydii uu Jurgen Klopp keenay Liverpool siddeed sannadood iyo badh uu tababare u ahaa
1. Mohamed Salah – 2017 £36.5 milyan oo Gini
2. Virgil van Dijk – 2018 £75 milyan oo Gini.
3. Alisson Becker – 2018 – £66.8 milyan oo Gini.
4. Sadio Mane – 2016 – £34 milyan oo Gini.
5. Andy Roberton – 2017 – £8 milyan oo Gini.
6. Fabinho – 2018 – £39 milyan oo Gini.
7. Diogo Jota – 2020 – £41 milyan oo Gini.
8. Luis Diaz – 2022 – £37.5 milyan oo Gini.
9. Joel Matip – 2016 – Si xor ah ayay kusoo qaateen
10. Georginio Wijnaldum – 2016 – £23 milyan oo Gini.
11. Darwin Nunez – 2022 – £85 milyan oo Gini.
12. Dominik Szoboszlai – 2023 – £60 milyan oo Gini.
13. Cody Gakpo – 2023 – £37 milyan oo Gini.
14. Thiago Alcantara – 2020 – £27.7 milyan oo Gini.
15. Alexis Mac Allister – 2023 – £35 milyan oo Gini.
16. Ibrahima Konate – 2021 – £36 milyan oo Gini.
17. Harvey Elliot – 2019 – £1.5 milyan oo Gini.
18. Naby Keita – 2018 – £48 milyan oo Gini.
19. Kostas Tsimikas – 2020 – £11.75 milyan oo Gini.
20. Alex Oxlade-Chamberlain – 2017 – £35 milyan oo Gini.
21. Xherdan Shaqiri – 2018 – £13.5 milyan oo Gini.
22. Takumi Minamino – 2020 – £7.25 milyan oo Gini.
23. Wataru Endo – 2023 – £16 milyan oo Gini.
24. Ryan Gravenberch – 2023 – £34.2 milyan oo Gini.
25. Stefan Bajcetic – 2021 – £224,000 Gini
26. Ragnar Klavan – 2016 – £4.2 milyan oo Gini
27. Adrian – 2019 – Bilaash
28. Fabio Carvalho – 2022 -£7.7 milyan oo Gini.
29. Ben Doak – 2022 – £600,000 Gini
30. Ozan Kabak – 2021 – Amaah
31. Kaide Gordon – 2021 – £3.4 milyan oo Gini
32. Calvin Ramsay – 2022 – £6.5 milyan oo Gini
33. Sepp van den Berg – 2019 – £4.4 milyan oo Gini
34. Marcelo Pitaluga – 2020 – £1.8 milyan oo Gini
35. Marko Grujic – 2016 – £5.1 milyan oo Gini
36. Steven Caulker – 2016 – Amaah
37. Ben Davies – 2021 – £1.6 milyan oo Gini
38. Dominic Solanke – 2017 – Bilaash
39. Calum Scanlon – 2020 – £550,000 Gini
40. Fabian Mrozek – 2020 – £250,000 Gini
41. Kamil Grabara – 2016 – £250,000 Gini
42. Andy Lonergan – 2019 – Bilaash
43. Alex Manninger – 2016 – Bilaash
44. Loris Karius – 2016 – £4.7 milyan oo Gini
45. Arthur Melo – 2022 – Amaah