QIIMAYN: 10ka Kooxood Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Premier League Oo La Shaaciyey

ADVERTISEMENT

Tobanka kooxood ee ugu wanaagsanaa taariikhda horyaalka Premier League ee waliba ku guuleystay horyaalkaayaa la shaaciyey, iyadoo lagu salleeyey qiimayn la xidhiidha dhibcaha ay xoogsadeen, inta kulan ee ay guuleysteen, barbarraha, goolasha ay dhaliyeen iyo xataa ciyaaraha ay khasaaraha galeen. Liverpool ayaase tarraxaysa oo iyadoon ku guuleysanin horyaalka ku jirta tobankan kooxood.

Arsenal oo xilli-ciyaareedkii 2003/04 ku guuleystay horyaalka Premier League iyadoon halmarna laga badinin ayaa lagu garaacay kaalinta koowaad ee kooxdii ugu wanaagsanayd, waxaana dhawr jeer liiska soo gashay Manchester City oo uu tababare Pep Guardiola guulo waaweyn ku hoggaamiyey.

Chelsea oo sidoo kale uu Jose Mourinho u qaaday horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkii 2004/05 iyadoo laga dhaliyey 15 gool oo kaliya ayaa soo gashay liiska.

Qiimayntan oo laga soo bilaabay sannadkii 1992kii ee uu horyaalka Premier League qaatay magacan, ayaa waxa ay dul-istaagtay toban kooxood, iyadoo Manchester United oo 13 jeer ku guuleysatay horyaalka 20kii sannadood ee ugu dambeeyey ay kasoo dhax-muuqatay dhawr jeer.

ADVERTISEMENT

Man United ayaa 13 jeer qaadday laga soo bilaabo sannadkii 1992kii, Man City ayaa ku xigta oo toddoba jeer ku guuleysatay, halka Chelsea, Arsenal iyo Liverpool ay dhamaantood dhadhamiyeen macaanka koobka horyaalka Premier League, inkasta oo ay Chelsea ka guulo badnayd Liverpool iyo Arsenal.

Halkan kaga bogo qiimaynta 10ka kooxood ee ugu wanaagsanaa taariikhda Premier League

10. Manchester United – 1992/93

Waxay Manchester United ku guuelysatay xilli-cityaareedkii koowaad ee tartanka laga beddelay magaca ee loo bixiyey Premier League. Waxa waqtigaas u bilowday waa cusub oo ay guulo buuxiyeen, iyadoo xiddigihii ku suntanaa guulahaana uu hormood u ahaa Eric Cantona oo u dhashay waddanka Faransiiska, kaas oo lagu tilmaamo mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kooxda.

Xogta Manchester United ee xilli-ciyaareedkii 1992/93 ee horyaalka Premier League
Kulamada: 42
Guulaha 24
Goolasha ay dhaliyeen 67
Dhibcaha ay xoogsadeen 84

9. Liverpool – 2018/19

Liverpool waxay heshay 97 dhibcood xilli-ciyaareedkii 2018/19, waxaanay noqotay kooxda dhibcihii ugu badnaa heshay ee haddana aan ku guuleysanin horyaalka. Sababtu waxay ahayd in kooxda tababare Jurgen Klopp ay dhaafi kari waayeen Manchester City oo horyaalka qaadday.

Kaliya hal mar ayay guul-darraysatay Liverpool xilli-ciyaareedkii 2018/19 horyaalka Premier League, waxaanay guul-darraddaas kala kulmeen Manchester City oo 2-1 kaga adkaatay. 38kii ciyaarood ee Premier League, waxay Liverpool badisay 30 ka mid ah, halka laga dhaliyey 22 gool oo kaliya.

Xogta Liverpool ee xilli-ciyaareedkii 2018/19 ee horyaalka Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 30
Goolasha ay dhaliyeen 89
Dhibcaha ay xoogsaden 97

8. Manchester City – 2018/19

Dabcan Manchester City waxay samaysay dedaal badan xilli-ciyaareedkan sababtoo ah waxa ay halgan adag wada galeen Liverpool oo kaliya ay hal dhibic kaga qaadday Horyaalka. Man City waxay urursatay 98 dhibcood, halka Liverpool ay 97 dhibcood heshay.

Waxay ahayd sannad kaddib markii ay 100 dhibcood xidheen, waxaana guushooda sabab u ahaa shaqadii ay qabteen kulamadii ugu dambeeyey xilli-ciyaareedka. 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayay Manchester City guuleysatay 13 ka mid ah, sidaas ayaanay Liverpool ku dhaafeen. Ciyaartii ugu dambaysayna waxay 4-1 ku karbaasheen Brighton.

Xogta Man City ee xilli-ciyaareedkii 2018/19 ee horyaalka Premier League
Kulamada 38
Guulaha 32
Goolasha ay dhaliyeen 95
dhibcaha ay xoogsadeen 98

7. Liverpool – 2019/20

Soddon sannadood kaddib ayay ku guuleysteen horyaalka Premier League, waxaanay iska reebeen Manchester City oo xilli-ciyaareedkii ka horreeyey halgan adag ay wada galeen, laakiin hal dhibic kaga qaadday horyaalka.

27 ciyaarood oo isku xigay ayay 26 ka mid ah guuleysteen halka midka kalena ay barbarro galeen, iyagoo xoogsaday 80 dhibcood intii ka horreysay badhtamaha bishii February. Inkasta oo ay Watford ay ka jabisay rikoodhkii guul-darro la’aanta oo ay 3-1 kaga adkaatay, isla markaana xanuunka Covid-19 uu taageere la’aan ka dhigay garoomada, haddana Liverpool waxay xidhay 100 dhibcood.

Xogta Liverpool ee xilli-ciyaareedkii 2019/20 ee horyaalka Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 32
Goolasha ay dhaliyeen 85
Dhibcaha ay xoogsadeen 99
Xogta Manchester United ee xilli-ciyaareedkii 1998/99 ee Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 22
Goolasha ay dhaliyeen 80
Dhibcaha ay xoogsadeen 78

5. Manchester City – 2022/23

Xogta Manchester City ee xilli-ciyaareedkii 2022/23 ee Premier League
Kulamada 38
Guulaha 28
Goolasha ay dhaliyeen 94
Dhibcaha ay xoogsadeen 89

4. Manchester United – 2007/2008

Xogta Manchester United ee xilli-ciyaareedkii 2007/08 ee Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 27
Goolasha ay dhaliyeen 80
Dhibcaha ay xoogsadeen 87

3. Arsenal – 2003/04

Xogta Arsenal ee xilli-ciyaareedkii 2003/04 ee Premier League
Kulamada 38
Guulaha 26
Goolasha ay dhaliyeen 73
Dhibcaha ay xoogsadeen 90

2. Chelsea – 2004/05

Jose Mourinho ayaa markan soo galay horyaalka Premier League isaga oo da’diisu yar tahay oo firfircoon oo Champions League iyo horyaalka Portugal usoo qaaday Benfica. Waxa uu kooxdiisa kusoo daray Nicolas Anelka oo rikoodhe ka dhaliyey Manchester City ciyaartii ugu dambaysay ee ay horyaalka qaadayeen.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay ahayd in kooxdani ay ka mid noqotay naadiyada ugu difaaca fiicnaa taariikhda horyaalka Premier League, waxaana laga dhaliyey 15 gool oo kaliya, iyadoo Jose Mourinho uu noqday macallinka meesha ka saaray xafiiltankii u dhexeeyey Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger oo isagu soo dhax-galay, isla markaana mid walba xafiiltan gaar ah la galay

Xogta Chelsea ee xilli-ciyaareedkii 2004/05 ee Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 29
Goolasha laga dhaliyey 15
Dhibcaha ay xoogsadeen 95

1. Manchester City – 2017/18

Kooxdii ugu fiicnayd abid horyaalka Premier League, waxay noqotay naadigii Manchester City ee xilli-ciyaareedkii 2017/18 ee uu tababare Pep Guardiola ugu dabbaal-degay horyaalka Premier League, kuwaas oo buuxiyey tirada saddexda god ee dhibcaha.

38 ciyaarood oo Premier League ah ayay guuleysteen 32 ka mid ah, waxaanay xoogsadeen 100 dhibcood halka ay sidoo kalena dhaliyeen 106 gool, waana kooxda goolashii ugu badnaa ka dhalisay horyaalka hal xilli-ciyaareed gudihii.

Xogta Manchester City ee xilli-ciyaareedkii 2017/18 ee Premier League 
Kulamada 38
Guulaha 32
Goolasha ay dhaliyeen 106
Dhibcaha ay xoogsadeen 100

ADVERTISEMENT

Related Stories

Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

[player id=6467] [player id=6466]