Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa wajihi kara caqabad weyn oo ka hor istaagi karta dhammaystirka saxiixiisii ugu horreeyay ee suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Sida ay ku warrantay shabakadda Caught Offside, United ayaa doonaysa Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Como, Martin Baturina, si uu u xoojiyo kooxda oo haatan ku jirto kaalinta 18-aad ee horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdiisii hore ee Chelsea ayaa iyaduna wadahadallo la furtay Como, halka Tottenham, Aston Villa, Newcastle United iyo Bayern Munich ay sidoo kale isha ku hayaan 23 jirkan u dhashay dalka Croatia.
Manchester United iyo Chelsea ayaa labaduba ku qiimeeya laacibkan lala barbar-dhigo Luka Modric adduun dhan 50 milyan oo gini, balse Como ayaa dalbanaysa ilaa 66 milyan oo gini, taas oo keenaysa farqi u dhexeeya labada dhinac oo dhan 16 milyan oo gini.
Baturina, oo horay ugu soo ciyaaray Dinamo Zagreb, ayaa tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedkii hore u dhaliyay Como sagaal gool isagoo caawiyay afar kale 38 kulan oo uu saftay. Tababaraha Como, Cesc Fabregas, ayaa aad u ammaanay fahamka ciyaareed, awoodda iyo kalsoonida xiddigan ka qayb-galay Koobka Adduunka.