Mauricio Pochettino ayaa la sheegay inuu maamulka Manchester United u caddeeyay in uusan aqbali doonin shaqada tababaranimo ee kooxda haddii aan la siin taageero dhaqaale oo xooggan oo uu suuqa kala iibsiga ku galo si uu u dhiso koox awood u leh inay u tartanto koobabka waaweyn.
Tababaraha reer Argentina ayaa doonaya in maamulka United uu muujiyo sida ay uga go’an tahay dib u dhiska kooxda, isagoo shuruud uga dhigay inuu helo saxiixyo waaweyn ka hor inta uusan oggolaan inuu qabto xilka tababarenimo ee Old Trafford.
Wararka ayaa sheegaya in Pochettino uu diyaarsaday liis ay ku jiraan afar ciyaaryahan oo uu doonayo in kooxda loo keeno, kuwaas oo kala ah:
- Endrick: Weeraryahanka da’da yar ee Real Madrid
- Achraf Hakimi: Daafaca midig ee kooxda PSG.
- Victor Osimhen: Weeraryahanka kooxda Galatasaray
- Nico Paz: Xiddiga khadka dhexe ee Como
Liiskan ayaa muujinaya hamiga weyn ee Pochettino, kaasoo doonaya inuu Manchester United ka dhigo koox leh awood weerar, hal-abuur khadka dhexe ah iyo difaac adag.
Si kastaba ha ahaatee, dalabka noocan ah wuxuu maamulka United gelin karaa go’aan adag, maadaama afartan ciyaaryahan ay u baahan karaan maalgelin ballaaran.
Waxaa weli la sugayaa sida ay madaxda Manchester United uga jawaabaan shuruudaha Pochettino iyo haddii ay diyaar u yihiin inay dhaqaale badan ku bixiyaan qorshihiisa.