Pochettino Oo 18 Bilood Keliya Joogi Kara Man United? Gary Lineker Oo Saadaal Culus Sameeyay

Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa sheegay inuu aad ula yaabi doono haddii tababaraha cusub ee Manchester United, Mauricio Pochettino, uu shaqada garoonka Old Trafford sii hayo wax ka badan 18 bilood.

Pochettino ayaa saxiixay heshiis laba sano iyo bar ah oo uu ku beddelayo Michael Carrick, isagoo kulankiisa ugu horreeya hoggaamin doona ciyaarta ay booqanayaan Liverpool Axadda 22-ka Nofeembar, xilli United ay haatan ku jirto kaalinta 18-aad ee horyaalka.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football, Lineker ayaa saadaaliyay in macallinkan reer Argentina uu bilow fiican samayn karo, balse uu ugu dambeyn ku fashilmi doono qaab-dhismeedka maamul ee kooxda.

“Waxaan u maleynayaa inay si macquul ah ku bilaaban doonaan, laakiin marka dambe wuu ka niyad-jabi doonaa sida ay wax u socdaan. Haddii uu weli halkaas joogo 18 bilood ka dib, waan la yaabi doonaa. Sababtoo ah mar kasta eedda waxaa dusha laga saaraa tababaraha, halka dhibaatada dhabta ah ay ka jirto madaxda sare,” ayuu yiri Lineker.

Lineker ayaa xusay in maamulka sare aysan si fiican u taageerin Carrick xagaagii la soo dhaafay, isagoo intaas ku daray in qoyska Glazers iyo Sir Jim Ratcliffe aysan wax isbeddel ah oo muuqda ku soo kordhin kooxda, balse ay xaaladdu ka sii dartay.

Dhanka kale, Pochettino ayaa ilmada ceshan waayay shirkiisii jaraa’id ee Jimcihii mar wax laga weydiiyay sababta uu uga tagay xulka Mareykanka oo uu bishii Agoosto u saxiixay qandaraas afar sano ah, isagoo ku tilmaamay go’aan murugo leh balse ay adag tahay in la iska diido fursadda Manchester United.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular