Peter Schmeichel Oo Farta Ku Fiiqay Ciyaaryahanka Iska Leh Mas’uuliyadda Guuldarradii United Ka Soo Gaartay Chelsea

Halyeeygii hore ee Manchester United, Peter Schmeichel, ayaa si kulul u dhaliilay Lisandro Martínez, kaddib guuldarradii 2-0 ahayd ee kooxdiisa kala kulantay Chelsea Sabtidii.

Labada kooxood ayaa qeybtii hore ku kala baxay barbarro goolal la’aan ah, balse Morgan Rogers ayaa daqiiqaddii 50-aad hoggaanka u dhiibay Chelsea, kaddib markii uu ka faa’iideystay qalad difaac oo uu sameeyay Martínez.

Chelsea ayaa goolkeeda labaad dhalisay daqiiqaddii 64-aad, markii Cole Palmer uu rigoodhe u beddelay gool. Rigoodhaha ayaa yimid kaddib markii Martínez casaan loo taagay, sabab la xiriirta inuu gacan ugu qaaday gudaha xerada ganaaxa Wesley Fofana.

Schmeichel ayaa sheegay in Martínez uu si buuxda masuul uga yahay guuldarrada, isagoo ku tilmaamay qaab ciyaareedkiisa mid aan la aqbali karin.

“Aniga ahaan, wax walba waxaan dusha ka saarayaa Lisandro Martínez. Waa wax laga xumaado qaabkii uu u ciyaaray. Laba toddobaad ka hor ayuu hadallo adag ku duray saaxiibbadiisa iyo kooxda, waxaana muuqatay inuu doonayay inuu ka dhaqaaqo United. Qandaraaskiisa wuxuu u muuqdaa mid gawaabsi ah,” ayuu yiri Schmeichel.

Wuxuu intaas ku daray in daafac heerka Premier League ka ciyaaraya, gaar ahaan mid u ciyaaraya Manchester United, looga baahan yahay inuu si ka wanaagsan daafac yada kale u difaacdo goolkiisa.

“Waxa uu maanta sameeyay, runtii erayo aan ku tilmaamo ma hayo. Goolkii koowaad iyo rigoodhihii uu sababay labaduba waxay ahaayeen qaladaad waaweyn. Dhaqankiisii laba toddobaad ka hor iyo wixii uu maanta sameeyay waxay muujinayaan inuusan ku habboonayn Manchester United,” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, Michael Carrick ayaa qiray in qaabkii kooxdiisu looga xiray goolka koowaad uu ahaa mid aan wanaagsanayn, isagoo sheegay in Rogers uu si fudud uga dhex gudbay difaaca United.

Guuldarradan ayaa sii kordhisay cadaadiska saaran Carrick, iyadoo United ay sagaal kulan oo xiriir ah guul la’aan tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular