Pep Guardiola Oo Magacaabay Hal Koox Uusan Dib Dambe U Tababari Doonin

Tababarihii hore ee Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuusan dib dambe u tababari doonin kooxda Barcelona.

Intii u dhaxaysay 2008 iyo 2012, kooxdii Barcelona ee uu hoggaaminayay Guardiola waxay ka talinaysay kubbadda cagta Spain iyo Yurub, iyagoo ku guulaystay koobka Champions League sannadihii 2009 iyo 2011.

Wareysi uu siiyay Bundesliga Magazine, waxaa Guardiola la weydiiyay inuu mustaqbalka ku laaban karo kooxda Bayern Munich. Si buuxda meesha ugama uusan saarin arrintaas, wuxuuna Vincent Kompany ku tilmaamay “tababare weyn.”

Isagoo si cad uga hadlayay mustaqbalkiisa Barcelona, Guardiola wuxuu yiri: “Waqtigaygii tababarenimo ee Barcelona wuu dhammaaday, dibna uguma laaban doono inaan kooxda mar kale tababaro.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular