Paul Pogba Oo Magacaabay Ciyaaryahanka Khadka Dhexe Ee Ugu Fiican Jiilka Cusub.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee kooxaha Manchester United iyo Juventus, Paul Pogba, ayaa ammaan ballaaran u jeediyay qaab-ciyaareedka haatan ee xiddiga Real Madrid, Jude Bellingham, isagoo ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahanka khadka dhexe ee ugu fiican jiilka cusub.

Mar wax laga weydiiyay isbarbardhigga joogtada ah ee lagu sameeyo labadooda, xiddigan reer France ee ku guulaystay Koobka Adduunka ayaa si is-hoosaysiin leh isaga fogeeyay arrintaas, isagoo sheegay in Bellingham uu ka tirsan yahay jiil ka duwan kiisii, isla markaana uu leeyahay xirfad farsamo oo aad uga sarreysa tiisa.

“Ciyaaryahanka khadka dhexe ee la daawado jiilkan? Jude Bellingham,” ayuu yiri Pogba. “Ma leeyahay wax aad isaga mid tihiin? Waxaan u malaynayaa inuu leeyahay xirfad aad uga badan tayda, wuxuuna ka tirsan yahay jiil aad nooga duwan”

Intaa waxaa dheer, Pogba wuxuu ammaanay joogtaynta iyo saamaynta degdegga ah ee uu Bellingham muujiyo mar kasta oo uu garoonka soo galo, isagoo yiri: “Waxa uu garoonka ka sameeyo runtii waa wax cajiib ah.”

Hadalkan Pogba ayaa muujinaya heerka sare iyo qaab-ciyaareedka cajiibka ah ee uu xiddigan reer England haatan muujinayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular