Opta Oo Shaacisay Kooxda Ugu Cad-cad Ku Guuleysiga Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareed Kaan

Saadaasha shirkadda xogaha ee Opta ayaa shaaca ka qaadday in fursadda ay kooxda Arsenal ugu guuleysan karto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan ay sare u kacday, iyadoo haatan gaartay 74.88%, taas oo naadiga reer London ka dhigaysa musharraxa ugu cadcad ee hanashada koobka.

Ku guuleysiga horyaalka ayaa u noqon doonta fursad taariikhi ah oo ay Arsenal ku gaarto guul aan horey loo arag taariikhdeeda Premier League, maadaama aysan weligeed laba xilli-ciyaareed oo xiriir ah ku guuleysan tartankan, ka dib markii ay xilli-ciyaareedkii hore qaadday koobka.

Kooxdan ka dhisan London ayaa soo bandhigaysay qaab-ciyaareed xooggan tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka, iyadoo noqotay kooxdii toddobaad oo keliya taariikhda Premier League ee aruursata 27 dhibcood ama wax ka badan 10-ka kulan ee ugu horreeya tartanka.

Arsenal ayaa hoggaanka ku haysa 27 dhibcood, waxaana kaalinta labaad ku jirta Manchester City oo leh 21 dhibcood ka dib markii laga adkaaday wareeggii tobnaad. Dhanka kale, Brighton oo si ku-meel-gaar ah ugu jirta kaalinta saddexaad iyadoo leh 19 dhibcood ayaa maanta la ciyaari doonta Brentford, haddii ay badisana waxay soo geli doontaa kaalinta labaad iyadoo shan dhibcood u jirsan doonta hoggaamiyayaasha Arsenal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular