Taageere Manchester City ah ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii uu ku maadsaday musiibadii diyaaradii Munich ee ku halaagmeen ciyaartoydii Manchester United.
Sideed ka mid ah ciyartoyda Manchester United ayaa ka mid ahaa 23 qof oo ku dhimatay diyaaradii ku burburtay Munich sannadii 1958dii.
Intii ay shalay socotay ciyaartii Manchester Derby oo ay City 3-1 ku badisay, tageere Man City ayaa la arkay isagoo bixinaya tilmaam diyaaradeed isagoo eegayay dhanka taageerayaasha martida ahaa ee Man United.
Waa tilmaamtiisa arkay boliiskii joogay ciyaarta oo durbadiiba xiray xabsigana u taxaabay madaama ay taageerayaasha City uga digeen inaysan sameynin waxyaabo muujinaya inay ku maadsadaan musiibadii Munich ee Man United.
Bayaan ay boliiska soo saareen ayaa lagu yiri: “Intii ay socotay ciyaartii Manchester Derby, saraakiisha waxay xireen nin lagu tuhmayo inuu ku maadsanayay musiibo dhacday iyadoo ay boliiska soo wargeliyeen taageerayaasha.”
Sida ay sheegay Manchester Evening News, Man City ayaa ka warqabta dhacdadaan. Sannadkii la soo dhaafay maxkamada ayaa soo saartay sharci lagula dagaalamayo in taageerayaasha ay ku heesaan ama bixiyaan tilmaam lagu maadsanayo musiibo ama shil ku dhacay ciyaartoyda ama taageerayaasha.