Daafaca xulka qaranka France iyo kooxda Liverpool, Ibrahima Konaté, ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay in saaxiibkiisa ay isku dalka yihiin ee Kylian Mbappé uu ku guuldareystay hanashada abaalmarinta Ballon d’Or, isagoo aaminsan in xiddiga Real Madrid uu si buuxda ugu qalmay abaalmarintaas.
Konaté oo ku sugan xerada tababarka ee xulka qaranka France ayaa sheegay inay ahayd arrin aad u adag in Mbappé uu waayo biladda, balse wuxuu ku ammaanay dhiirranaantiisa iyo sida degdegga ah ee uu uga soo kabtay niyad-jabkaas.
Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu yiri: “Inaad ku guuldareysato Ballon d’Or adigoo u qalma waa arrin aad u adag. Laakiin maalintii xigtayba wuxuu joogay garoonka tababarka, isagoo muujinaya rabitaan weyn oo ah inuu shaqada sii wado.”
Daafaca kooxda Real madrid ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo in saaxiibkiis uu fursad kale u heli doono tartanka abaalmarintan xilli-ciyaareedka soo socda, wuxuuna raaciyay: “Waxaan rajeynayaa inuu sanadka soo socdana halkaas joogo, si uu markan kor ugu qaado biladda Ballon d’Or.”
Xiddiga reer France ee Kylian Mbappé ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ee ay bixiso majaladda France Football ku waayay weeraryahanka xulka England iyo kooxda Bayern Munich, Harry Kane, kaas oo markii ugu horreysay ku guuleystay biladdan.