Mikael Arteta Oo Ciqaab Adag Ku Soo Rogay Xiddig Bixiyay Sirtii Shaxda Kooxdiisa Ee Kulankii Liverpool

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa soo rogay mamnuucid cusub ka dib markii xiddiga garabka uga ciyaara ee Christos Tzolis uu si kama’ ah u bixiyay xogta shaxda kooxda ka hor kulankii ay toddobaadkii hore la ciyaareen Liverpool.

Arsenal ayaa kulankaas 1-0 ku adkaatay iyadoo goolka keliya uu daqiiqaddii 16-aad u dhaliyay Kai Havertz, taas oo ka dhigtay inay saddex dhibcood ku qabtaan hoggaanka Premier League ka dib markii ay badiyeen siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu horreeyay xilli-ciyaareedkan.

Tzolis oo xagaagii 34 milyan oo gini kaga soo wareegay Club Brugge ayaa si lama filaan ah ugu soo bilowday kulankii Liverpool, balse ka hor ciyaarta ayuu si dadban u shaaciyay warkaas markii uu naftiisa dib ugu soo celiyay kooxdiisa Fantasy Premier League (FPL) ee lagu magacaabo Tzatziki FC.

Sidoo kale, wuxuu shaxdiisa ku sii haystay Riccardo Calafiori iyo Konsa oo shaki ku jiray taam ahaanshahooda, kuwaas oo labaduba ciyaarta ku soo bilowday.

Sida ay ku warrantay shabakadda NowArsenal, Arteta ayaa haatan qaaday tallaabo uu ku xaqiijinayo in xogta shaxda kooxda aan si la mid ah loo dusin mustaqbalka. Inkastoo uusan ciyaartoyda iyo shaqaalaha gabi ahaanba ka joojin ciyaarista FPL, haddana wuxuu ka mamnuucay inay kooxahooda ku daraan ciyaaryahan kasta oo ka tirsan Arsenal si loo ilaaliyo sirta kooxda.

Tzolis ayaa amarkan kaga jawaabay inuu kooxdiisa FPL ka saaro naftiisa, Calafiori iyo Konsa, oo ay weheliyaan Bruno Fernandes iyo Luke Shaw. Wuxuu booskooda soo geliyay Adrien Truffert, Cole Palmer, Virgil van Dijk, Rayan Cherki iyo Maxim De Cuyper.

Xubin ka tirsan shaqaalaha Arsenal ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhammaan ciyaartoyda Gunners ka saaray kooxdiisa FPL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular