Tababaraha kooxda Manchester United, Michael Carrick, ayaa ku adkeystay in dabeecadda iyo hab-dhaqanka kabtan Bruno Fernandes ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoo xusay inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada xiddigan ka dib khilaafkii dhowaan soo kala dhexgalay labadooda.
Sida uu ku warramay wargeyska The Independent, Carrick ayaa shaxda ka saaray Fernandes ka dib markii uu dhaliilay taatikadiisa ciyaarta guul-darradii 4-1 ahayd ee ka soo gaartay kooxda Como, ka hor inta uusan kursiga keydka dhigin oo uusan ciyaarsiin kulankii 3-0 ay Bournemouth uga adkaatay.
Si kastaba, labada dhinac ayaa wadahadallo yeeshay toddobaadkii hore, taas oo keentay in Fernandes uu dib ugu soo laabto shaxda kooxda isla markaana uu wacdaro ka dhigo kulankii Roma.
Carrick oo ka hadlayay xiddigan ayaa yiri: “Waxaan filayaa in ficilladiisa, qaabka uu u ciyaaray iyo xitaa sidii uu u maareeyay rigooradii lagu celiyay ay wax walba kuu sheegayaan. Bruno weli waa sidii uu ahaan jiray.”
Markii la weydiiyay haddii Fernandes uu raalligelin bixiyay, Carrick ayaa diiday inuu faahfaahiyo wixii dhexmaray balse wuxuu raaciyay: “Aad ayay u cadahay inaan u dhaqaaqnay dhanka wanaagsan, daacadnimada Bruno-na waa mid aan shaki ku jirin.”