Michael Carrick Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Loo Qabtay Keliya 2 Kulan Uu Shaqadiisa Man United Ku Badbaadsado.

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa beeniyay wararka sheegaya in loo qabtay laba kulan oo uu shaqadiisa ku badbaadsado.

Carrick ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu Isniintii qabtay, ka hor kulanka Champions League ee ay Roma kula ciyaari doonaan garoonka Old Trafford.

Red Devils ayaan guul gaarin sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan. Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in Carrick la siin doono laba kulan oo uu mustaqbalkiisa ku go’aamiyo ka hor fasaxa ciyaaraha xulalka.

“May, haba yaraatee. Mustaqbalka waan eegi karaa, laakiin marnaba lama oga waxa dhici doona,” ayuu yiri Carrick.

“Waxaan si weyn u sugayaa ciyaarta berri. Waxaa laga yaabaa inaad u maleyso inaan waalanahay marka loo eego natiijooyinka aan helnay. Wax kasta waxay u dhaceen si qaab daran”

Kulanka Roma kaddib, Manchester United ayaa dhammaadka toddobaadkan Premier League ku martigelin doonta Aston Villa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular