Kubadda cagta ee dalka Argentina ayaa isu diyaarinaysa waji cusub ka dib markii Lionel Messi uu 7-dii bishii Oktoobar ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah, isagoo baneeyay maaliyadda caanka ah ee lambarka 10-aad oo uu xirnaa muddo 18 sano ah.
Messi ayaa lambarka 10-aad ku ciyaaray 171 kulan intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2026, isagoo ku dhaliyay 118 ka mid ah 126-kiisa gool ee heerka qaran, isla markaana kula guuleystay Koobka Adduunka 2022, laba Copa América (2021, 2024) iyo koobka Finalissima 2022.
Haatan, shan ciyaaryahan ayaa ugu cadcad inay dhaxlaan maaliyaddan taariikhiga ah oo ay horay u soo xirteen halyeeyo ay ka mid yihiin Diego Maradona, Mario Kempes iyo Juan Román Riquelme.
Xiddiga kooxda Como, Nico Paz, ayaa hoggaaminaya liiska musharraxiinta ugu dhow ka dib markii uu xilli-ciyaareedkan dhaliyay lix gool isla markaana caawiyay siddeed kale 13 kulan oo uu ciyaaray.
Musharraxiinta kale ee kula loollamaya lambarkan culus ayaa kala ah weeraryahanka Atlético Madrid ee Julián Alvarez oo kalsooni weyn ka haysta tababare Lionel Scaloni, Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City ee Enzo Fernández, xiddiga Liverpool ee Alexis Mac Allister oo lambarka 10-aad u xirta kooxdiisa, iyo da’yarka Real Madrid ee Franco Mastantuono oo horay hal kulan u xirtay maaliyaddan xilligii uu Messi maqnaa.