Kylian Mbappe ayaa lagu soo warramay inuu sameeyay go’aan muran dhaliyay oo ku saabsan mustaqbalkiisa, bilo gudahood kaddib markii uu ku biiray Real Madrid.
Mbappe, oo 25 jir ah, laguma soo darin safka xulka France ee kulamada caalamiga ah ee socda, inkasta oo uu ka soo kabtay dhaawac isagoo ka qeyb qaatay ciyaaray Real Madrid horraantii Oktoobar. Tababaraha xulka France, Didier Deschamps, ayaa xaqiijiyay in Mbappe uu la dhibtoonayo “xaalad iska caadi ah,” balse
Deschamps ayaa go’aansaday inuusan wax qatar ah gelin laacibka weerarka.
Mbappe ayaa loo magacaabay xiddiga bisha ee Real Madrid bishii Sebtember, waxaana uu dhaliyay shan gool sideedii kulan ee ugu horreeyay ee uu kooxda u saftay tan iyo markii uu si xor ah ugu soo biiray kooxda.
Wakaaladda wararka ee Foot Mercato ayaa hadda warbixin ka qortay maqnaanshihiisa xulka qaranka. Waxay sheegtay in, intii lagu jiray fasaxii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay, Mbappe wuxuu xulka France u sheegay inuusan diyaar u ahayn in loo soo xusho kulamada soo socda.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Mbappe uu sheegay in kaliya ciyaari doono kulamada “muhiimka ah” ee France, maadaama uu ka welwelsan yahay in ciyaaridda kulamo badan oo heer caalami ay u horseedi karto daal iyo dhaawacyo badan oo wax u dhimi kara mustaqbalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, lama oga haddii arrintan si rasmi ah Mbappe ugala hadlay madaxda xulka France.