Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah Ee Carrick Looga Ceyriyay Shaqada Manchester United?

Kooxda Manchester United ayaa go’aansatay inay shaqada ka cayriso tababare Michael Carrick, kadib markii ay maamulka kooxdu rumeysteen in tayada ciyaartoyda ay haystaan ay aad uga fiican tahay booska hoose ee ay haatan kaga jiraan horyaalka.

Sida uu Khamiistii maanta ahayd shaaciyay wargeyska Manchester Evening News, Carrick ayaa ku sigtay in shaqada laga eryo laba toddobaad ka hor, markaas oo ay kooxdu guuldarooyin kala kulantay naadiyada Como iyo Bournemouth.

Si kastaba ha ahaatee, madaxda sare ee Red Devils ayaa xilligaas go’aansaday inay siiyaan saddex kulan oo dheeraad ah si uu wax uga beddelo natiijooyinka iyo qaab-ciyaareedka kooxda.

Ugu dambeyntii, fursaddaas la siiyay ayaan ku filnaan inay Carrick ka badbaadiso shaqo ka cayrinta. Manchester United ayaa haatan ku jirta kaalmaha looga haro horyaalka Premier League, ka dib markii ay barbaro 4-4 ah la galeen kooxda Aston Villa kulankoodii ugu dambeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular