Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa u jawaabay jamaahiirta kooxdiisa oo ku ooriyey intii ay socotay ciyaartii ay Blues barbarraha 2-2 ah la gashay Brentford, taas oo ay iyaga oo goolka la hormaray ay haddan waqti dambe u dagaallameen inay keenaan goolka barbarraha.
Nicolas Jackson ayaa hoggaanka u dhiibay Blues qaybtii hore ee ciyaarta, laakiin Brentford ayaa waxa ay la timid laba gool oo daran-doorri ah oo ay u kala dhaliyeen Mads Roerslev iyo Yoane Wissa, waxaana ciyaarta oo maraysa 2-1 ay taageereya 2-1 ay jamaahiirta Chelsea bilaabeen inay ku ooriyaan Pochettino iyo Todd Boehly.
Taageereyaasha ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku aflagaaddaynayaan Pochettino, iyagoo dalbanayey Jose Mourinho.
Si kastaba, Mauricio Pochettino oo la hadlay saxaafadda ciyaarta kaddib ayaa la weydiiyey cadhada taageereyaasha, waxaanu ku jawaabay: “Anigu ma aanan maqlayn waxa ay lahaayeen laakiin waa la ii sheegay, haddii aan runta sheego.
“Way igu adag tahay in aan fahmo, laakiin waxa aan u baahanahay in aan rumaysto waxa aad ii sheegayso. Waa wax iska caadi ah [inay ku ooriyaan], waayo waxa aanu ku guul-darraysanaynay 2-1. Waxay kaliya soo bandhigayeen cadhadooda, aniga ayaana masuul ka ahaa, waayo aniga ayaa ah tababaraha kooxda.”
Si kastaba ha ahaatee, Disasi ayaa la baxsaday Chelsea oo u dhaliyey goolka barbarraha dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay.