Kooxcda kubadda cagta Manchester United waxay bilowday diyaar-garowga kulanka adag ee horyaalka Premier League ee Tottenham ee Axadda, kaddib markii ay Isniintii kasoo adkaadeen Wigan Athletic oo ay 2-0 kusoo garaaceen, iyaga oo sidaas ugu soo gudbay wareegga afraad ee FA Cup.
Red Devils oo sannadkan cusub ee 2022 ku bilaabatay guul, ayaa waxa ay Axadda iska hor iman doonaan Tottenham oo bandhig fiican garoomada ka samaynaysa xilli-ciyaareedkan, balse waxa uu Erik ten Hag rajaynayaa in ay sii wadan doonaan guulaha.
Manchester United ayaa bishan January ka nafisi doonta dhaawacyadii tirada badnaa ee dersinka ciyaartoyda ah dibedda ka dhigay, waxaana dib ugu soo noqonaya ciyaartooyo ay ka mid yihiin Casemiro, Lisandro Martinez iyo Mason Mount.
Qaarkood ciyaartoyda Manchester United ka dhaawacan waxa ay diyaar u noqonayaan kulanka Tottenham, sida Christian Eriksen, Harry Maguire iyo Luke Shaw, halka dhawr ciyaartoy oo kalena ay diyaar noqon doonaan dhamaadka bishan.
Halkan kaga bogo waqtiga ay soo laabanayaan ciyaartoyda ka dhaawacan Man United
Lisandro Martinez – January 27/28.
Harry Maguire – January 14.
Victor Lindelof – January.
Luke Shaw – January 14.
Tyrell Malacia – January.
Casemiro – January 27/28.
Mason Mount – January 27/28.
Christian Eriksen – January 14.
Amad – Lama garanayo
Antony – Lama garanayo
Anthony Martial – Lama garanayo