Martin Odegaard Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Arsenal

Kabtanka kooxda Arsenal, Martin Odegaard, ayaa caddeeyay inuu rajeynayo inuu waqti dheer baaqi ku sii ahaado kooxda garoonka Emirates, inkastoo ay jiraan warar la xiriirinaya kooxda Bayern Munich.

Xiddigan khadka dhexe ayaa qandaraaskiisa haatan ee waqooyiga London waxaa ka harsan 18 bilood, iyadoo maamulka Gunners ay aad u doonayaan inay heshiis cusub la gaaraan si looga fogaado inuu galo sanadkiisa ugu dambeeya. Inkastoo dhaawacyo iyo hoos-u-dhac uu la kulmay xilli-ciyaareedkii hore ay shaki geliyeen mustaqbalkiisa, haddana Odegaard ayaa dib u helay qaab-ciyaareedkiisii fiicnaa xilli-ciyaareedkan, isagoo weli ka mid ah dookha koowaad ee tababare Mikel Arteta.

Shabakadda Sky Germany ayaa bishii hore ku warrantay in Bayern Munich ay xiriir joogto ah la lahayd laacibkan, kaas oo u furan inuu ku biiro kooxda reer Jarmal haddii uu ka tago Arsenal. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in kooxda horyaalka difaacanaysa ka fiirsan doonto iibintiisa xagaaga soo socda haddii aan heshiis cusub la gaarin, si aysan bilaash ugu lumin.

Isagoo ku sugan waajibaadka xulka qaranka Norway, Odegaard ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay halkan, waxaana rajeynayaa inaan Arsenal sii joogo waqti dheer, laakiin weli ma aannaan bilaabin wadahadallada qandaraaska.”

Odegaard ayaa dhaliyay goolkii guusha kulankii ay Arsenal ka adkaatay Hull City ka hor fasaxa xulalka, taas oo kooxdiisa ka caawisay inay shan dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka ka hor kulanka ay 21-ka Noofambar booqan doonaan Newcastle United.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular