Kooxda Manchester United ayaa u calaamadsatay xiddiga khadka dhexe ee Nottingham Forest, Morgan Gibbs-White, beddelka mustaqbalka fog ee Bruno Fernandes, iyagoo kula loollamaya kooxda Tottenham, sida ay ku warrantay shabakadda TEAMtalk.
Mustaqbalka Fernandes ayaa shaki galay ka dib markii uu dhawaan dhaliilay xeeladda tababare Michael Carrick kulankii ay 4-1 uga adkaatay Como, taas oo keentay in keydka la dhigo ciyaartii Bournemouth. Si kastaba, wuxuu door muhiim ah ka qaatay guushii 3-2 ee ay Arbacadii ka gaareen Roma, oo ahayd guushoodii ugu horreysay toban kulan ka dib.
Ciyaarta ka dib, Fernandes ayaa u sheegay Amazon Prime in warbaahintu ay faafisay been badan, balse ay is-fahmeen tababaraha, uuna aqbalay in kursiga keydka la dhigo maadaama qaab-ciyaareedkiisu hooseeyay. Wararka ayaa intaas ku daraya in United ay kordhin doonto qandaraaskiisa ka hor inta aysan iibin, waxayna hadda xog ka raadinayaan xaaladda Gibbs-White.
Dhanka kale, halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa u sheegay Sky Sports in United ay qasab tahay inay ciyaarsiiso Fernandes maadaama uu yahay xiddigooda ugu fiican, isagoo ku ammaanay geesinimadii uu ku tuuray rigooradii lagu celiyay kulankii Roma.