Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay inay u yeedhato tababaraha ay Bayern Munich shaqada ka caydhinayso ee Thomas Tuchel oo maanta la shaaciyey in dhamaadka xilli-ciyaareedka uu ka tegi doono Allianz Arena.
Subaxnimadii saaka ayuu Thomas Tuchel shaaciyey inuu ka tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxyar kaddibna kooxda ayaa ku dhawaaqday in bilaha kooban ee ka hadhay xilli-ciyaareedka oo kaliya uu sii joogayo.
Tuchel oo bishii March ee sannadkii hore loo magacaabay kooxdan, ayaa isaga oo aanu sannad u buuxsamin loo sheegay in maalmaha u hadhay ay tirsan yihiin, waxaana galaaftay dhawr guul-darro oo ay galeen xilli-ciyaareedkan, gaar ahaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyey oo laga badiyey.
Halyeygii Manchester United ee Steve Bruce oo la hadlay warbaahinta ayaase u arka Tuchel inuu yahay tababaraha ugu habboon ee guulo gaadhsiin karaya Manchester United, waxaanu usoo jeediyey in xagaaga ay ku beddelaan Erik ten Hag.
Steve Bruce oo la hadlayey warbaahinta ayaa yidhi: “Thomas Tuchel waxa uu si fiican ugu soo baxayaa Chelsea, way xumayd sidii looga eryay shaqada Chelsea, sababtoo ah guulo waaweyn ayuu gaadhsiiyey.
“Haddii aad tahay tababaraha Bayern Munich hadda, ma guul-darraysan kartida saddex ciyaarood oo xidhiidh ah, dhibaataduna waa taas. Lama eegayo qofka aad tahay, kaliya waxa hoosta laga xarriiqayaa dhibaatada aan ka hadlay.
“Hagaag, waxay ku jireen laba usbuuc oo xun oo Champions League iyo horyaalka ah, tababarahana waxa ku imanaya cadaadis.
“Haddii uu noqdo tababaraha Manchester United way fiicnaan lahayd. Way fiicnaan lahayd haddii ay ka hor qaadaan Newcastle, shakina kuma jiro in wiilkan uu dhibaato ku abuurayo agaasimaha ciyaaraha, laakiin waxa uu noqon lahaa beddel fiican.”