Manchester United Oo Pochettino Ku Taageereysa 2 Saxiix Oo Waaweyn Suuqa Janaayo.

Kooxda Manchester United ayaa calaamadsatay laba boos oo muhiim ah suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, iyadoo tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino loo ballan-qaaday taageero dhaqaale oo xooggan.

Sida uu ku warramay wargeyska The Telegraph, Red Devils ayaa suuqa jiilaalka u geli doonta soo iibsashada daafac iyo weeraryahan. Baahidan ayaa timid ka dib markii kooxdu ay la dhibtootay dhaawacyo dhanka daafaca ah, halka weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko uu garoomada ka maqnaan doono ilaa sanadka cusub dhaawac dhanka kubka ah awgiis.

Wariyaha Sky Sports, Rob Dorsett, ayaa xaqiijiyay in Pochettino si weyn loo taageeri doono, balse inta badan qarash-gareyntu ay dhici doonto xagaaga soo socda. Dorsett ayaa xusay in United ay xagaagii hore ku fashilantay inay iska iibiso ciyaartoy dhowr ah, oo uu ku jiro Marcus Rashford oo ay ka filayeen 36 milyan oo gini ka hor inta aysan Barcelona ka laaban heshiiskaas oo aysan u weecan Anthony Gordon.

Sidoo kale, qandaraasyada xiddigaha mushaharka badan qaata sida Bruno Fernandes, Harry Maguire, Luke Shaw iyo Rashford ayaa dhacaya xagaaga soo socda, inkastoo United ay haysato dookh ay min hal sano ugu kordhin karto, taas oo Pochettino siin doonta fursad weyn oo uu dib ugu dhiso kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular