Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay waqti kama dambays ah u qabatay tababare Michael Carrick si uu shaqadiisa u badbaadiyo, iyadoo daaha laga rogay tababaraha ay kooxda u aragto musharraxa koowaad ee beddeli kara.
Carrick ayaa cadaadis weyn wajahaya kaddib bilowgii liitay ee Manchester United ee xilli ciyaareedka. Kooxda ayaa sagaal kulan oo xiriir ah guul la’aan ah, waxaana 13-kii kulan ee ay ciyaartay xilli ciyaareedkan ay badisay laba oo keliya. Waxay sidoo kale kaalinta 17-aad kaga jirtaa Premier League.
Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Carrick wuxuu kooxda hoggaamin doonaa ugu yaraan kulanka AS Roma, balse maamulka United ayaa xiriir la sameeyay tababarihii hore ee Newcastle, Eddie Howe.
Warbixintu waxay sheegaysaa in Howe uu yahay musharraxa uu agaasimaha kubadda cagta Jason Wilcox doorbidayo haddii Carrick shaqada laga eryo. Howe ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay inuu qabto shaqada, iyadoo Newcastle la siin karo qiyaastii 3 milyan oo ginni oo magdhow ah.
Dhanka kale, Julian Nagelsmann ayaa sidoo kale laga hadal hayaa gudaha United. Agaasimaha qorista ciyaartoyda, Christopher Vivell, ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay tababaraha reer Jarmal.
Wariye Henry Winter ayaa isna sheegay in Carrick uu haysto kulamada Roma iyo Aston Villa si uu shaqadiisa u badbaadiyo ka hor fasaxa xulalka.
Winter wuxuu xusay in fasaxa xulalku kooxaha fursad siinayo inay go’aan ka gaaraan tababarayaashooda, isla markaana ay beddelkooda diyaarsadaan.