Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa diiraddeeda u jeedisay xiddig lama filaan ah oo hore ugu fashilmay horyaalka Premier League oo uu waqti kooban joogay laakiin markii dambe dib ugu dhistay xirfaddiisa waddanka Spain.
Red Devils ayaa la sheegay in ay doonayso inay la saxeexato weeraryahanka Real Madrid ee Joselu Mata oo ah 34 jir ay Los Blancos amaah kaa soo qaadatay Espanyol horraantii xilli-ciyaareedka, kaas oo 38 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Los Blancos u dhaliyey 14 gool.
Laacibkan ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxaha Stoke City iyo Newcastle United oo uu awoodi waayey inuu saldhigo, hase yeeshee Manchester United ayaa u aragta inuu yahay khabiir ka caawin kara inuu dhaliyo goolal waqtiyada ay kooxdoodu kubadda haysato, maadaama uu ku fiican yahay kubbadaha madaxa ah iyo kuwa goolka hortiisa lasoo dhigo.
Wakiillo ka socda Manchester United ayaa la sheegay inay u duuleen waddanka Spain si ay ula xaajoodaan Joselu oo Real Madrid ay haysato dookh ah inay lacag dhan 1.5 milyan oo Euro si rasmi ah ugula wareegi karayaan.
Heshiiska Joselu ee Espanyol ayaa waxa uu ku egyahay sannadka 2025 oo ay ka hadhsan tahay muddo sannad ah, waxaana ay Red Devils rumaysan tahay in Real Madrid ay dib iskaga celin doonto haddii ay la saxeexdaan Kylian Mbappe, iyadoo sidoo kalena uu kooxda kusoo fool leeyahay Endrick oo bisha July iman doona.
Joselu ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu safarka badan kubadda cagta marka loo eego kooxaha uu usoo ciyaaray, waxaana uu kasoo dhaxlay waayo aragnimo badan.
Kooxaha uu usoo ciyaaray Joselu:
- Celta Vigo, 2008-2010: 30 ciyaarood ayuu u saftay, 4 gool ayuu u dhaliyey
- Real Madrid, 2010-2012: 2 ciyaarood ayuu u saftay, 2 gool ayuu u dhaliyey
- Hoffenheim, 2012-2013: 25 ciyaarood ayuu u saftay, 5 gool ayuu u dhaliyey
- Eintracht Frankfurt, 2013-2014: 33 ciyaarood ayuu u saftay, 14 gool ayuu u dhaliyey
- Hannover 96, 2014-2015: 32 ciyaarood ayuu u saftay, 10 gool ayuu u dhaliyey
- Stoke City, 2015-16: 27 ciyaarood ayuu u saftay, 4 gool ayuu u dhaliyey
- Deportivo La Coruna, 2016-2017: 24 ciyaarood ayuu u saftay, 6 gool ayuu u dhaliyey
- Newcastle, 2017-2019: 52 ciyaarood ayuu u saftay, 7 gool ayuu u dhaliyey
- Alaves, 2019-2022: 113 ciyaarood ayuu u saftay, 36 gool ayuu u dhaliyey
- Espanyol, 2022-2023: 38 ciyaarood ayuu u saftay, 17 gool ayuu u dhaliyey
- Real Madrid, 2023-2024: 38 ciyaarood ayuu u saftay, 14 gool ayuu u dhaliyey
- Spain, 2023-2024: 10 ciyaarood ayuu u saftay, 5 gool ayuu u dhaliyey
- Koobabka uu ku guuleystay: Spanish Super Cup (Real Madrid); Nations League (Spain)