Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay si dhow ula socoto xaaladda Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Como, Nico Paz, iyagoo sii qorsheynaya mustaqbalka kooxda ee la’aanta kabtan Bruno Fernandes, kaas oo uu shaki weyn ku jiro sii joogistiisa garoonka Old Trafford.
Paz, oo 22 jir ah, ayaa si weyn u soo jiitay indhaha maamulka United ka dib markii uu wacdaro ka dhigay kulankii UEFA Champions League ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen bishii Oktoobar. Xiddigan reer Argentina ayaa dhaliyay laba gool, isagoo sidoo kale caawiyay gool kale ciyaartaas oo ay Como ku badisay 4-1.
Tan iyo markii uu xagaagii 2024 kaga soo biiray Real Madrid, Paz ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda uu hoggaamiyo tababare Cesc Fabregas, isagoo xilli-ciyaareedkan dhaliyay lix gool isla markaana caawiyay siddeed kale.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, xiisaha Manchester United ee laacibkan ayaa jiray xitaa ka hor kulankii uu ka hor yimid iyaga. Si kastaba ha ahaatee, United ayaa loollan adag kala kulmi karta Real Madrid, oo qandaraaska Paz ku leh qodob u ogolaanaya inay dib ugu iibsadaan adduun dhan 67 milyan oo gini.
Inkastoo ay jirto suurtagalnimada uu ugu laaban karo Spain, haddana waxaa la aaminsan yahay in Paz uu xagaagii hore iska diiday fursad uu dib ugu biiri lahaa Madrid, isagoo u sheegay tababare Jose Mourinho inuu doorbidayo inuu horumarkiisa ka sii wato horyaalka Talyaaniga, maadaama joogitaanka Jude Bellingham ee garoonka Santiago Bernabeu ay ku adkeyn karto inuu helo boos joogto ah.
Dhanka kale, Manchester United ayaa isu diyaarinaysa suurtagalnimada ay ku lumin karto Fernandes ugu horrayn xagaaga soo socda. Qandaraaska 31 jirkan reer Portugal ayaa ku eg dhammaadka xilli-ciyaareedkan, inkastoo United ay haysato dookh ay ugu kordhin karto 12 bilood oo kale.
Mustaqbalka Fernandes ayaa shaki galay ka dib hoos-u-dhac ku yimid qaab-ciyaareedkiisa marka loo eego xilli-ciyaareedkii hore oo loo aqoonsaday ciyaaryahanka ugu fiican horyaalka. Sidoo kale, dhaliishii uu warbaahinta uga jeediyay xeeladihii ciyaareed ee tababarihii la cayriyay ee Michael Carrick ayaa la sheegay inay abuurtay xiisad dheeraad ah, taas oo keentay in United ay Paz u aragto beddelka mustaqbalka fog ee buuxin kara booska hal-abuurka ee kabtankooda.