Man Utd waxay bilaabeen baaritaan kadib markii taageere si xoog ah looga saaray garoonka, iyadoo caro ka dhalatay mudaharaad ka dhan ah qoyska Glazer kadib ciyaartii Man City.
Kadib markii Manchester United ay barbaro 0-0 ah la gashay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City Axaddii, koox taageerayaal ah oo la yiraahdo The 1958 ayaa qabanqaabisay mudaharaad fadhi ah (sit-in), halkaas oo boqolaal taageerayaal ah ay kursigooda sii joogeen xitaa kadib markii ciyaarta dhammaatay. Markii heesaha ka dhanka ah mulkiilayaasha kooxda ee Glazer- ay batteen, taageere ayaa waxaa wajahay ilaalo (steward), waxaana si xoog ah looga saaray kursigiisa.
Ilaalada ayaa marka hore taageeraha riixay ka hor inta uusan dhowr ilaaliye xajin, midkoodna gacanta ayuu qoorta kaga duubay. Muuqaalkan ayaa waxaa duubay The Daily Mail.
Muuqaalkan waxaa duubay taageere kale oo ka tirsan kooxda Red Devils, kaasoo marka hore la weydiiyay sababta uu u duubayo dhacdada, wuxuuna ku jawaabay:
“Waan idiin duubayaa, taas waa mid loogu talagalay [taageeraha kale], si uu isaga u badbaado, ma aha cadaawad. Waa wax isaga loogu talagalay.”
Markii ay gacan ka hadalku bilaabmeen, isla taageerihii duubayay ayaa laga maqlayay isagoo leh:
“Hey, bal eeg hadda, taas ma aheyn wax sax ah. Ma jirto sabab taas keeneysa. Wax walba waa la duubay. Kaliya waxaan rabnaa inaan si nabad ah u mudaharaadno. Waa mudaharaad kaliya, oo fadhi ah, ee ka dhan ah Glazer-. Taas darteed baan u duubayay waxa dhan.”
Warbixinta The Daily Mail waxay intaas ku dartay in kooxda Manchester United ay xaqiijisay inay ka warqabto dhacdadaas isla markaana ay bilaabeen baaritaan rasmi ah.
Taageerayaasha ayaa cabasho ka muujinaya sicir bararka tikidhada ciyaaraha, gaar ahaan kuwa haysta tikidhka xilli ciyaareedka oo la filayo inay markale la kulmaan koror dhan 5% sanadkii saddexaad oo xiriir ah. Intaas waxaa sii dheer in kulamada loo kala saari doono qeybo kala duwan (category system) taasoo saameyn doonta kuwa aan haysanin tikidh xilliyeed.