Kooxda Manchester City ayaa la filayaa inay ogolaato bixitaanka weeraryahankeeda reer Norway, Erling Haaland, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga soo socda, xilli ay soo kordhayaan wararka la xiriira mustaqbalkiisa iyo hubanti la’aanta ka dhalatay cunaqabataynta ay kooxdu wajihi karto.
Sida ay sheegayaan warbixinnadu, Manchester City ayaa dalban doonta lacag ku dhow 146 milyan oo gini si ay u fasaxdo Haaland, kaas oo xiiso weyn ka helaya kooxaha ugu waaweyn qaaradda Yurub oo ay hoggaaminayaan Real Madrid, Barcelona, Liverpool iyo Paris Saint-Germain.
Maamulka Manchester City ayaa aqbalay suurtagalnimada ay ku waayi karaan dhaliyahooda reer Norway marka loo eego duruufaha ku xeeran kooxda, taas oo albaabka u furi karta inuu raadsado waayo-aragnimo cusub oo ka baxsan horyaalka Premier League.
Wararka ayaa intaas ku daraya in horyaalka LaLiga uu yahay halka uu Haaland doorbidayo haddii uu go’aansado inuu ka tago garoonka Etihad, iyadoo kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay safka hore kaga jiraan loollanka loogu jiro saxiixiisa.