Man United Oo Dib U Dhigtay Go’aanka Mustaqbalka Michael Carrick, Maxaa Soo Kordhay?

Kooxda Manchester United ayaan la filaynin inay go’aan degdeg ah ka gaarto mustaqbalka tababare Michael Carrick, inkastoo uu sii kordhayo cadaadiska lagu doonayo in isbeddel loogu sameeyo maamulka kooxda, sida ay ku warrantay idaacadda talkSPORT.

Madaxa fulinta ee kooxda, Omar Berrada, iyo agaasimaha kubadda cagta, Jason Wilcox, ayaa lagu wadaa inay Talaadadan kula kulmaan Sir Jim Ratcliffe magaalada Monaco, iyagoo u soo jeedin doona in la beddelo tababaraha. Si kastaba, lama filayo in isla markiiba lagu dhawaaqo go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan cayrintiisa.

Tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham, Mauricio Pochettino, ayaa weli ah mid ka mid ah musharraxiinta ugu horreeya ee lagu beddeli karo Carrick. Macallinkan reer Argentina ayaa qandaraaska uu kula jiro xulka qaranka Mareykanka waxaa ku xiran qodob lagu burburin karo oo gaaraya 7 milyan oo gini, taas oo u sahli karta United inay la soo wareegto.

Dhanka kale, Michael Carrick ayaa soo gaaray xarunta tababarka ee Carrington si uu u hoggaamiyo tababarka kooxda oo ay ka maqan yihiin ciyaartoy badan oo ku maqan waajibaadka xulalkooda qaranka, ka hor inta uusan u ambabixin daawashada kulan ay ciyaarayaan da’yarta kooxda ee ka hooseeya 18-jirrada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular